Jamhuuriyadda Somaliland Republic of Somaliland
Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Ministry of Finance Development
Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Xogta

WAR-SAXAAFADEED
Hargeysa, 11/04/2023- Waxa aanu ka Wasaarad Maaliyad ahaan bulshada u cadaynaynaa inaanu jirin habayaraatee xiligan walaac maaliyaddeed oo nala soo darsay.
Inkasta oo ay jiraan duruufo dhaqaale oo aynu la qabno gobolka, guud ahaan dunida iyo kuwo inaga inoo gaar ah sida dagaalka G. Sool, hadana uma jiraan sida loo buunbuuninayo. Waxaananu bulshada u cadaynaynaa inaanay jirin wax culaysyo maaliyadeed ahi. Sida ka muuqata war-bixinta wax-qabadka maaliyaddeed ee sanadkii hore ee 2022 taasi oo aanu dhawaan uun ku daabacnay mareegta Wasaaradda ee {slmof.org} wadarta guud ee dakhligii kal-hore {2022} waxa uu ka sareeyaa kii 2021-ka qadar dhan 4% oo u dhigmaysa 86 billyan sl.sh. Dhinaca kharashaadka marka aynu eegno inaga oo ka duulayna is la war-bixintaas waxa ay Dawladdu dabartay 95% kharashkii ku-talo-galka ahaa.
Marka aanu ka war-bixino dakhliga Dawladda-dhexe ee sadex-biloodkan u danbeeyey ee January-March, 2023 wadarta guud ee dakhliga dhabta ahi waxa ay ka saraysaa bartilmaameedkii dakhli 2% {boqolkiiba laba}, sida ku cad war-bixinta sadex-biloodlaha ee aanu ku baahinay mareegtayada.
Waxa intaa dheer, in dhamaan hawlaha la xidhiidha kharash-bixinta iyo ururinta dakhligu ay ilaa hada si habsamiya u socdaan, mana jirto haba yaraatee wax hakad ku yimid, iyada oo ay si joogta oo aan habsan lahayn u helaan shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu mushaharaadkooda.
Waxa iyaduna xusid mudan oo aanu bulshada u bayaaminaynaa inaanu jirin hoos u dhac ku yimid hawlada Marsada Caalamiga ah ee Berbera sida ku cad war-bixinta tirokoobka badeecaddaha ka soo degay ama ka dhoofay labadii bilood ee u danbeeyey.
Ugu danbeyntii, xog kasta oo ay bixiso cidii aan ehelkeeda ahayni

-Dhammaad-

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Xogta