Wasaaradda Maaliyadda oo Olole Cashuur Ururin ah ka Bilowday Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)-Masuuliyiinta Wasaaradda horu-marinta Maaliyadda Somaliland ayaa Magaalada Hargeysa ka bilaabay olole cashuur ururin ah.
Maamulaha waaxda cashuuraha Beriga Ee Gobolka Maroodi jeex Maxamed Quule Aadan oo ka warbixiyey ujeedada ololahan cashuur ururunta ee ay wasaaraddu bilawday iyo noocyada kala duwan cashuurta loo ururinayo ayaa sheegay in si rasmi ah ay caasimadda Hargeysa uga bilaabantay, cashuur ururinta wado marista gaadiidka iyo kala wareejinta liisamadda.
Maamulaha Waaxda Cashuuraha Beriga wasaaradda Hor-u-marinta Maaliyadda Somaliland ee gobolka Maroodijeex ayaa bulshada kula dardarmay in la shaqeeyaan ciidamadda nabad-galyadda ciidamada kala duwan ee ka qayb qaadanaaya ururinta Cashuurta.
Dhinaca kalena, Maamulaha waaxda cashuuraha Beriga Ee Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Quule Aadan waxa uu tilmaamy in ololahan cashuur ururinta ay uga gol lee yihiin bulshada intii aan bixin cashuurta in ay bixiyaan ,waxaanu u soo jeediyey wadeyaasha gaadiidka in ay cusboonaysiistaan Liisamada dhacay,isla markaana ay kala wareejiyaan gawaadhida aan weli la kala wareejin.