Writen by Qaran News |

Wasiir Cadaani Halkuu Ka Shabahaa Cigaal Shidaad

 cadaani
 Cigaal shidaad oo bahasha fulaynimada ah u dhashay ayaa maalin maqlay inay rag doonayaan isaga oo naxsan oo ordayaa guriga islaantiisi ugu soo galay iyada oo yaabsan baa tidhi Cigaalaw maxaa baas ee ku eryanaya markaasu yidhi rag baa raba inay i dilaane i qari oo buste i saar halkii bay bahal weyn oo busta ah qam kaga siisey intaa ka hor buu cigaal kula sii dardaarmay haday i kaa weydiiyaan wuu dhintay ku dheh xooga yar ka dib ragii baa yimid nin ka tirsan baa islaantii cigaal ku yidhi mee cigaal shidaad habartii baa siday balanto ahayd ugu jawaabtay wuu dhintay ninkii baa hadana yidhi goorma islaantii oo aanay cigaal isla ogayn xiliga dhimashada ayaa yara hakatay cigaal shidaad baa bustaha hoostii ka soo booday isaguu leh SHALOO DHINTAY
Waxaan sheekadan yar uga socda wasiirka warfaafinta oo haatan noqday wasiirka dacaayada oohinta amaanta iyo caydaba runtii magaalooyinka Somaliland waxaan ahayn cabaadka cadaani laguma hayo oo qofkaad aragtaba wuxuu ku leeyahay ma maqashay tuu cadaani maantana lahaa waa hubaal in lagu shaqaysto wasiirka ayna soo diraan labo korneel oo ku xeel dheer munaafaqada daaha dabadiisa laga hago balse waxaa cajiib ah oo ummadii filanwaa ku noqtay oohinta aan kala go’a lahayn ee uu cadaani la soo taaganyahay waxaa iyana muuqata inaanuu lahayn tol qabta oo u caqli celiya inlayn waa kuwan kuwii ay reer Somaliland ku tuhmi jireen ilbaxnimo iyo tacliin intay guulwadahan ceshan lahaayeen iyagu leh waanu la jecelnahay Siilaanyo iyo Kulmiye iyo Muuse talaw miyay ilaaween in ay Siilaanyo Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ahaayeen kuwii iyagu qudha ka jaray maamulkii mujaahidkoodi C/Raxmaan Tuur badayna in uu ciil Xamar u tago haday ilaaweena bal aan xusuusiyo
Madaxweyne Siilaanyo waa ninkii ingiriiska kaga dhawaaqay inaanay dowlada Tuur jirin wax dowlad ahna ka jirin Somaliland isaga oo qoray oo faafinayay manafeestada federaalka
Maxamed Kaahin waa kii ku qasbay wasiirada reerkooda inay dhamaan iska casilaan dowladii Tuur si ay u curyaamiyaan dowladiisa
Muuse Biixi waa mucaaradkii koowaad ee dowlada Tuur lahayd waana ninka xabada ku riday ee la waayay waana ta uu ugu faanayay Cigaal markuu xukunka qabsaday
Daahir Sancaani

dsancaani88@gmail.com