Waa maxay arrinta hadal heynta dhalisay ee Aadan Barre uu ka yiri xijaabka haweenka Muslimiinta Kenya?

Aadan Barre

XIGASHADA SAWIRKA,ADEN DUALE

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa khudbad uu goob xaflad ah shalay ka jeediyay waxaa ka dhalatay hadal-hayn badan.

Ducaale ayaa mar uu ka hadlayay xaflad tartan Qur’aan waxaa uu sheegay in ay tahay in gabdhaha Muslimiinta ah ay xirtaan xijaabka marka goobaha fagaarayaasha iyo meelaha kale ee la isugu yimaado ay joogaan.

Qaar ka mid ah warbaahinta Kenya ayaa arrintan si wayn wax uga qoray.

Aadan Barre oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay in hablaha uu ku baraarujiyo xirashada xijaabka.”Maaddaama aan ahay nin Muslim ah oo ay mas’uuliyad wayn saaran tahay aniga waxaan la hadlayay umadda Muslimiinta waddankan, mas’uuliyad ayaa iga saaran, ayuu yiri Mr Ducaale,”

“Muslimiinta ayaan la hadlayay haddana dowladdeenna Ilaahey aaminsan, waa dowlad rabto in diimaha dhammaan ay sharafto, waxay ila tahay ayaan dhahay in hooyooyinkeenna, gabdhaheenna , xaasaskeenna iyo walaalaheen ay xijaabka waqti kasta xirtaan sida ay diinteenna ogoshahay marka ay joogaan meelaha dadku isugu yimaadaan,” ayuu intaa ku daray .

Aadan Barre oo aan wax ka waydiinnay in hadalkiisan uu yahay amar ka soo baxay dowladda ama ay dowladda la qabto ayaa ku jawaabay “maya maya arrinka anigaa iska leh, Aadan Barre, waxaan ahay nin siyaasi ah, waxaan ahay siyaasiga ugu sarreeya ee dowladda ugu jira Muslimiinta oona 20 sano xildhibaan ahaa, mas’uuliyad ayaa iga saaran in aan umadda u jiheeyo ku baraarujiyo xagga diinta”

Ducaale ayaa carrabka ku adkeeyay in qof kasta oo Muslim ah ay waajib ku tahay in gabadhiisa uu xijaabka u xiro.

“Qof kasta oo i dhageysanaya oo Soomaali ah ama Muslim ah oo waddanka Kenya joogo waxay mas’uuliyad ka saaran tahay in gabadhiisa marka ay shan jir gaarto uu ku billaabo inay xijaabka xirato,” ayuu intaa ku daray.

Wasiirka gaashaandhiga Adan Bare Ducaale ayaa dhanka kale sheegay in aysan masuuliyad ka saarnayn gabdhaha aan xiran xijaabka islamarkana aysan wax u dhimi doonin.

“Gabadhii xijaab xirato ayaan difaaceynaa, ayaan u duceynaynaa noo noqonaysa tusaale, middii xiran wayso mas’uuliyad nagama saarno, mana fiijineyno mana qabanayno, waddankama kama bixinayno,” ayuu yiri.

Adan Bare, madaxwaynihii hore ee Kenya Uhuru iyo madaxwayne Ruto

XIGASHADA SAWIRKA,ADEN DUALE

Waa kuma Aadan Barre Ducaale?

Aadan bare Ducaale ayaa siyaasadda ku soo biiray sanaddii 2007-dii markaasi oo laga soo doortay magaalada Garissa, isaga oo ka tirsanaa xisbiga ODM.

Aadan Bare ayaa tan iyo xilligaas waxay dadka deegaanka Garissa Township soo doorteen 4 jeer oo isku xigta.

Waxaa uu sanadkii 2007 markii la soo doortay sidoo kale loo magacaabay wasiir ku xigeenka xannaanada xoolaha.

Aadan Barre Ducaale oo waxaa uu sidoo kale muddo toddoba sano ah hayay xilka hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya.

Xilka xildhibaannimada Garissa ayuu iska casilay ka dib markii loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga ee dalka Kenya.