Wasiir Sharci uma lihid inaad Magacawdo Xubnaha Guddida Fullinta ee Xidhiidhka kubada cagta soomaliland XKCSL.
Xidhiidhka kubada cagta soomaliland waa ka madax banaan yahay wasarada dhalinyarada iyo ciyaraha.
Mudane Wasiir waa sharci darro Waraaqda Magacaabista Xubnaha Guddida Fullinta XKCSL ee aad ku saxeexantay, aniga oo og in lagu hoos dhigay haddana waan ku xasuusinaya inaad cagaha kula jirto shaqo aan taadi ahayn iyo sharci darro ceeb kugu ah.
Dastuurka XKCSL sida ku cad Xubnaha Guddida Fullinta XKCSL oo ka kooban 5 xubnood waxaa doorta xubnaha XKCSL ee ah naaddiyada Kubadda cagta, kuwaas oo Shirweynihii ugu dambeeyay ku doortay.
Haddii 3 xubnood oo Fullinta ahi ay meeshii ka baxeen (Iscasileen) iyaga oo aan la dhageysan sababta iscasilaadooda, Maanta lagaama fileyn inaad magacawdo ee waxay ahayd inaad Dastuurka XKCSL tixgeliso kaas oo Qoddobkiisa 11aad sheegayo in “Xubnaha Guddida Fullinta XKCSL waxaa xilka ka qaadi kara shirweynaha ururka iyo shirweyne aan caadi ahayn. Sidaas si la mid ah waxaa lagu magacaabi karaa (Dooranaya) shirweyne ama shir aan caadi ahayn”.
Tallo soo jeedin: Waa in sida ugu dhakhsaha baddan la iskugu yeedho ama ay isku yimaadaan Xubnaha XKCSL, lana qabtaa shirweynaha ururka ama shirweyne aan caadi ahayn oo lagu dooranayo Xubnaha Guddida Fullinta XKCSL.
Yuusuf Nuux Yuusuf
Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xisbigga WADDANI.