Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo soo dhaweysay Warbixin ka Baxday Telefishan Kenyan ah

Hargeysa(Qaran news)-Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Rooda Jaamac Cilmi ayaa soo dhaweysay warbixin togan oo uu Somaliland ka baahiyay Telefishanka Citizen Tv Kenya oo ka warramay nolosha Kiiniyaanka ka shaqeysta Somaliland.

Wasiir Rooda Jaamac Cilmi waxa ay warbixin ay ku daabacday barteeda X (twitter) ay ku sheegtay in warbixinta Telefishankaasi ay sawir togan ka bixinayso ammaanka iyo Dawladnimada Somaliland.

Waxase ay tilmaantay inay saxayso tirada dadka Somaliland oo Telefishankaasi ku qadaray 5 Milyan, ahaatee tiradaasi ay sax ku tahay 6.7 Milyan oo qof.

Sidoo kale Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibaddu waxa ay caddaysay in tirada dadka Kiiniyaanka ah ee ku shaqeysta Somaliland ay yihiin 12 kun oo qof, halka Telefishanka Citizen TV uu ku sheegay warbixintiisa inay tiradoodu gaadhayso 8 kun oo qof.

Wasiir kuxigeenku waxa ay intaas ku dartay inay xukuumaddu soo dhaweynayso muwaadiniinta reer Kiiniya ee Somaliland u noqotay gurigooda labaad isla markaana kaga dhex shaqeysta xurfadooda iyo farsamadooda. Taasi oo adkayn doonta isfahamka labada shacab iyo labada dawladood ee Somaliland iyo Kenya.

Halkan hoose ka daawo warbixintaasi ay ka dareen celisay Ambassador Rods.