Burco, (Qaran news)-Warar kala gadisan ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiirkiisa arimaha guduhu ay isku dhaceen taaasi oo sababtay in Maxamed Kaahin uu waftiga madaxweynaha uu kaga soo duday magaalada Caynaba kadib markii ay ka soo laabteen deegaanka Qorilugud oo ay shalay joogeen.

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa hada ku sugan guriga martida ee magaalada Burco iyada oo ay waftigii madaxweyne Biixi uu hogaaminaayay ay hada ku sugan yihiin Garadag.

Warar kale ayaa iyana sheegaaya in wasiir Maxamed Kaahin uu ka soo muquurtay deegaanka Garadag iyo deegaanada ku hareeraysan oo uu wasiirku ka muquurtay in ay la gar naqsdaan.

Ilaa hada wax war ahi kama soo bixin xukuumadda oo ku saabsan sababta soo celisay ee waftiga madaxweynaha ka soo reebtay wasiirkii ugu tunka weynaa golaha wasiirada xukumadiisa isla markaasna ah gudoomiyaha xisbi xaakimka ee Kulmiye mudane Maxamed Kaahin Axmed