fbt

Wasiir Maxamed Midbaan leeyahay

Madaxweyne Muuse Midbaan leeyahay

Reer Gebilay-na Midbaan leeyahay.

Qaybtii 2aad

Madaxweyne Muuse Midbaan leeyahay.

Waa qayb daba dhuunyaalaynaysa oo ku xidhiidhsan qormadii hore, waana qoraal si kooban oo dulxaadis ah aan uga faalloonaayo, dhacdadii 11-08-2022 iyo arimaha ku gadaaman iyo qaabkii madaxweyne Mudane Muuse Biixi uu uga faalooday ama uga fikirceliyey,

Hadaba Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waa Madaxweynihii Shanaad ee Jamhuuriyada barakaysan waana Madaxweynihii Labaad ee Xisbiga Qaran ee kulmiye waxaana u Qori dhiibay Ruugcadaagii siyaasiga weyn ahaa Illaahay Cimri dheer iyo caafimaad taam ah hasiiyee Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’,

Mudane Madaxweyne Muuse isaga Sidii godolkii hore Hadhuubkii lagu dhiijiyey loogu dhiibay ee gaaxdii danbana gaawe mugweyn oo xoorku guudmaray loo gacan geliyey, sidiibuu weli Hadhuubkii iyo gaawihii gacmihiisa ugu wada jiraan, waxaynu lasoconay Maalintii uu xilka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oogada u saaray ee uu ku wareejiyey, iyadoon ciddi kula tartamin ayaa Mudane Muuse Biixi Cabdi laga hayaa Guud xil-qaad leh ayaan leeyahay, Maxaa yeelay Mudane Axmed Siilaanyo ayaa ii Gaaso-bixiyey ama ii Geeso-bixiyey, sidaa odhaah udhigan ayuu Mudane Muuse Golahaa ka sheegay uu xilka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Duudka ugu ridanaayey, Hadana waxa la ogaa ciddii ugu horaysay ee uu, u Fidhay ama isagoo Fidhanaaya uu Geesaha ku jeediyey wayrax-cartan, uu ahaa Mudane Axmed Siilaanyo oo uu horana ugu Baanay inuu Barrihiisa ahaa Tab-Siyaasad Barray, Sidaa awadeed Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Xillalka uu SIDO in Faras inta loo heenseeyo oo shalmada iyo Kooraha loo raaciyo Qobtol, karbaash iyo Abjad la Yoonbeeyo oo kor oo kornow oo jaraha hay! oo weligaa xilka sid oo Waxaad doonto Mudane Madaxweyne yeel in loogu heeso mooyaane malaha gacan nebi nin doonow gacantaadu ha socoto ee Mudane keen majarafada!, Maxaa yeeley waxbarku waa dhalinyaranimada, qofwayni waa Dhiil buuxsamay oo wax qaad u hadhin, waana ta Mudane Muuse ugu Dux iyo Dayasho mariwayday Hab-dhaqankii Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, se uu u Sansaan eekaaday Barrihii Gardaadiyey ee Garaadada ku tolay ee dhallaan-nimadii Kacaamiyey, waxaynu ka dheehan karaynaa habdhaqankaa Kacaamiyey, 18-May iyo 21-Oktoobar siday iskugu Dabaal-deg eekaadeen ee Ummadii yar iyo Wayn, Askar iyo Shicib ay u wada gaardiyayaan ee oob-jac Oobjac u wada leeyihiin, iyo sida kaarayaasha iyo dabaabadaha siddaynu nahay kuwii sameeyey dariiqyada xayeysiinta loosoo marinaayo ee Dadka qiiqooda iyo guuxooda kullaala la leeyahay, Sidoo kale wadanka oo wadooyin u baahan oo bacaad-celin u baahan oo Sii nabaad-guuraya, oo Dhireen u baahan halkii xooga dihin ee dhalinyarta dalkooda looga faa’iiday lahaa ayaa shaqo-qaran tii Kacaanka iyo ceel-jaale ku ciyaarsiin lagu dhabar jebiyaa Dhalintii iyo muruqii dihnaa ee Dalka u barbaaray, waxa iyana jirtay dhawaan Markii Xisbiyada qaranka Jamhuuriyada barakaysan murankan u dhitaysani saaqay, intii Guddi ee ladqabeen iyo waanwaanta waday ee Guurti, Wakiilo, Wadaado, wax-garad, Madax-Dhaqameed iyo Ganacsatada lahaa ee idilkood waji-gabax kala soo Hulleelay markay kulamada la qaateen Mudane Muuse Biixi ayeynu ogayn, Ana Hadeer wax u sheegi maayo ileen Timirtii horaba dab loowaa weeye wax sheegiiye, se waxa iga waydiin ah, 11-8-2022 Iskusoo bixii salmiga ahaa ee ka qabsoomay Gobolada Dalka ee Ummaddii daroonkooda cabiraayey loogu gaystay Dhibta, Dhaawaca iyo Qudh-gooyada oo Jeel haween ku Dhaabkuna dheeraa. Ugu Horayn Waan canbaaraynayaa sidii Muwaadiniintaa Booliska qaranku ula dhaqmay ee dilka iyo Dhaawaca ugu gaystay waana wax laga xumaado in Qarnigii 21aad amar la bixiyo hagardaamo iyo dil loogu gaysanaayo shacab qaran oo dareenkooda cabiraaya,

Waxa se wax aad looga xumaado ah in Madaxweynihii qaranka Jamhuuriyada barakaysani uu uga falceliyo si ay shacabka Jamhuuriyada barakaysan yihiin gaalo ka hadheen in uu Mudane Muuse Biixi ku tiraabo Af Runtii ahayn Af Madaxweyne iskadaa aan ahayn Af Waayeel lab ah kasoo yeedha!, waayo Mudane Madaxweynuhu wuu ogaa in ay Xisbiyo qaran ruqsad dalbadeen si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan waxa ay tabanayaan taageerayaasha Xisbiyada qaran iyo Madaxdoodu, marnaba may ahayn arin ka dhexeeya shacabka Jamhuuriyada barakaysan oo isku mudaharaadaya, se waxa uu Mudane Madaxweyne Muuse yidhi shacab ayaa ISKAROGOOYIN Dhagaxaan ah wadooyinka ku rogay shacab kale oo ku lidi ahina dhagaxaanta marka la rogoba iyana wey gurayeen!, Waa weedhihii Afka Mudane Madaxweyne Muuse kasoo baxay! Oo aan badhxanayn ayey ahaayeen erayadaasi!, ma shacabka qaranka Jamhuuriyada barakaysan ayaa Mudane Madaxweyne isku mudaharaadaya? Mise Xisbiyo qaran oo ka biyo diidsan xukuumada ayaa dareenkooda cabiraayey?, iyana waxa lawada arkaayey ama sawirada-socda ama maqal iyo muuqaal ee dhacdadaa laga duubay lagu arkay Ciidamadii amaanka ama boolirkii oo inta ay Dhagaxaan gurtaan shacabka ku tuurayey iskadaa rasaasta Nool iyo ta Caaga ah!, Aduunka lama arag Askar la shiido oo shacab shiido oo ka gaashaanta mooyaane Askar iyagu shacabkii intay Dhagaxaan gurtaan ku tuuraya!, Waa arin argagax leh oo ka dhigaysa askarta Jamhuuriyada barakaysan inay yihiin ciyaal Xaafad dirays lootolay.

Mudane Madaxweyne Iskusoo baxii Xisbiyada qaran soo gudbiyeen inay qabanayaan 11-08-2022 waatii Xukuumadu u qoondaysay goobaha wax la isla ogaana wey ahayd in taageerayaasha Xisbiyada qaran Saddex meelood Laba meelood ⅔ ay Iskusoo baxayaan ama aqlabiyada taageerayaasha qaran, waana laga war hayey habeenimadiina goor danbe ayuu Wasiirka arimaha gudaha Jamhuuriyada Barakaysan Mudane Maxamed Kaahin shir uu qabtay uu sheegay in argagixiso la qabtay mashaqo maleegaysa!, hadana subaxnimadii markii shacabkii xadiga weynaa ee dareenkooda muujinaayey iskusoo baxeen waxa la jaray ISGAADHSIINTII ama Tilifoonadii Dalka!, Mudane Madaxweyne Waayo ayaa war isgaadhsiintii Dalka loo jaray iyada oo Xukuumadu ka war hayso in shacab tiro badani Iskusoo baxayaan oo u baahanayaan iska War hayn qoysaskooda iyo hadii ay u baahdaan si’allaaba badane Caafimaad degdeg ah si ay ula xidhiidhaan goobaha caafimaadka ama dhooli u dalbadaan Maxaa tilifoonadii hawada looga saaray?. Waxa la sii sheegay ama Mudane Madaxweyne xukuumadaadu sheegtay in Dalka siiba Caasimada argagixiso soo Gashay oo badh la qabtay, marka sidaa Xukuumadu sii tabisay, miyeyna ahayn in shacabka dareenkooda muujinaaya loogu talogalay in argagixisadu hadii ay jirto inay xasuuqdo in ladoonaayey!? Waayo goor habeen ah dad lagu yidhi bahal ayaa guriga soo galay hadana leedhkii dadkii laga bakhtiiyo ama demiyo soo wax loo badheedhay maaha in dadkaa Bahalkaasi cuno?, war isgaadhsiintaa hawada laga saaray iyada oo layidhi argagixiso ayaa inasoo Gashay weeye dad Bahal Gudcur daguugan loo ooday.

Hadal iyo dhamaan Mudane Madaxweyne Muuse Midbaan leeyahay 11-08-2022 wixii Dalka ka dhacay waa arin aan la ilaawi doonin, Haduu ilaahay ku Cimriyana Mar inta laguu Golleeyo ka eedbax Mudane lagu odhan doono weeye, Sidoo kale Mudane Madaxweyne mudada aad igmantahay wixii Dalka ka dhaca ee wanaag ah adigaa ku amaanan, wixii dhib ah ee Dalka ka dhacana adigaa eedeeda leh, taariikhduna wax la qorto maaha ee iyadaa is-Qorta ee Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdow taa Ogow.

Dhagihii Alle Waansho ayaa Waansan.

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Dhamaan maqaalada halkani ku soo baxa ma aha kuwo matalaaya hab u socodka shabakadani