Wasiir Maxamed Midbaan leeyahay

Madaxweyne Muuse Midbaan leeyahay

Reer Gebilay-na Midbaan leeyahay.

Qaybtii 3aad

Reer Gebilay Midbaan leeyahay.

Qormo Qoraalkani waa qaybtii  Ood-rogada u ahayd faalo qoraal ah Dhacdadii 11-08-2022 ka dhacday Jamhuuriyada Barakaysan iyo arimihii ka dhashay kuna gaddaamnaa dhacdadaa, Qormadana Waa mid aan Reer Gabilay leeyahay, oo Waliba waa mid aan leeyahay si Mudnaan, Sharaf, Xishmad, Xaqdhowr iyo Walaaltinimo ay ku dheehan tahay iyo Ummad qoys ah oo

isku-Diir, isku-Midab, lsku-Dhiig isku-Dhaqan ah  iyo Dhoobo meel laga wada qaaday ay u wada tiraabaan aan u leeyahay, oo ay weliba dheeri nootahay Ummad ah Af Wadaag, Dhaqan Wadaag, Hido Wadaag, Dal Wadaag, Dawlad Wadaag, Deegaan Wadaag, Duunyo Wadaag, Dallag Wadaag, Taariikh Wadaag, Ab Wadaag, Isir Wadaag, Dhiig Wadaag, Dhalad Wadaag, Ehel Wadaag, Diin Wadaag, Aduun Wadaag iyo Aayo Wadaag, Aakhirana illaahay haynaga yeelo  Jano Wadaag.

Gabilay ama Gebilay ama Gibilay waa Degel Sooyaalka taariikhdeena qadiimka ah ee inoo Dhitaysan, ee inoo Qoran! baal dahab ah kaga xusan, waa Degel Huwan Magac  aad iyo aad u facweyn oo in 10,000 hada Toban KUN oo sano in kor udhaafaysa leh, waa Degel xurmo iyo karaamo ku leh dhulkeena Hooyo, waa deegaan ka mid ah degelkii Aadamuhu ka billaabay waxsoosaarka iyo Tacabka Beeraha Fatahaadii qarqisay Aduunka Xiligii Nabigeenii NUUX NNKH, wixii ka danbeeyey, waa degel ku jira deegaamadeenii qadiimiga ahaa ee weli Magacyadoodii qadiimiga ahaa noolyihiin, halka Boqortooyadeenii iyo Magacii Qoomiyadeena laga hillin baydhay ee Soomaali lahuwaday Illaahay haynaga soo Haddeeyee!.

Hadaba waxa jira in sooyaalka Hidaheena inoo dhaqan-galay ee Duuga ah iyo Diinteena suuban inay ka siman yihiin arrimo badan Ha u mudnaato Xaq-dhowrka Haweenka iyo Xurmaynta Dumarnimada, waayo sida diinteenu suubani dhigayso Afarta Mudnaan ee xaqa waalidku leeyahay, Saddexda hore Hooyo ayaa leh, halka marka Afaraad Aabaha eebe gudoonsiiyey ama u gaar yeelay, Markaa waxa haboon in laysla meel dhigo oo laysla Af garto in Hooyo tahay haween oo idil, waayo inan ama gabadh waa Hooyo u joog, sidaa aawadeed mudnaanta Haween leeyahay xaawalayda waa mid u wada dihin oo guud ahaan ay u wada leeyihiin, oo ay ku maamuusan yihiin oo lagu wada Qadariyo oo lagu Xushmeeyo laguna Xaqdhowro.

Sida diinteena Quman dhigayso waxa inoo Qotoma Shan Tiir oo diinteena u dhidban oo Darruuri ah, oo aynu ku amrannahay inaynu fulino waxay ina farayaan, Tiirka Shanaad ee Xajka ee aynu farranahay inaynu fulino hadii aynu awoodi karno, gudashada Tiirkaa Xajka Ruuxa Dumarka ah waxa ay u gudataa xajka oo ay u dawaaftaa iyada oo sida Dadka madaxda ah ee darajada aduunka leh loo garab galo ama loo garab socdo ee illaaladu u agsocdaan ee ay u galbiyaan oo kale!, ayaa Dumarka Xajka loo Galbiyaa! iyaga oo waajibkii Alle faray ee xajka gudanaaya, Maxaa yeeley Ruuxa Dumarka ahi waa ruux mihiim ah oo illaahay sheegay in ay darajo leedahay Maxaa yeelay waa Dumar kuwa aduunka Camiray ee dhalay waxa Aadame guud jooga, sidaa aawadeed way mudan yihiin darajada ay leeyihiin waanay mudan yihiin in la galbiyo oo la garab-socdo markastaba, inaka waxa inoo Dhaqan ah in dumarku yihiin Geed aan la garaacin oo aan lagown Maxaa yeeley Dumarku waa Bir-ma-Gaydo!, hadii collaad iyo dirir iyo Dagaal xumi dhaco Dumarka lama taabto, waxa ay ku tusaysaa sida ay mudnaanta u leeyihiin Illaahay gudoonsiiyey, Waagii Boqortooyadeenii aynu halaynay inoo dihnayd Mudnaan iyo Sharaf loo hayey Dumarka, maynu Ab-tirsan jirin ee waynu Hooyo ama Habar-Tirsan jirnay!, Taasna waxa aynu wali kasii dheehan karnaa, sida Magacyada Guud ee qabiiladeena siday Hooyo/Habar ugu aroorayaan ilaa kuwa dhexe ilaa BAH-da hoose, hadaba Gobolka Gabilay waxa uu ku jiraa Goobaha weli ay kusii Dihintahay maamuuska haween leeyihiin sida loo hibeeyo ee loo sharfo, waayo waa degelka kaliya ee arooska iyo dadab-galka qoys u dhidba ee u qotomiya ee u beera Geed, waayo haween waa damal lahadhsado oo la Hoos’ galo iyo  hadhac Wayn oo lagusoo hirto Illaahay ha inoo xafido haweenkeena qaaliga ah,  reer Gebilay iyagu waa gob iyo xaalkeede waa dad iyo Degel lagu soo hirto oo lasoo haybsado oo lagusoo hoydo oo lala dego oo aan lagu qaloon,  sidoo kale deegaamada qoomiyadeena Gabilay waa Degel ka tilmaaman waayo waa Degel lammaanaha is calmadaa dadab-galkooda abuura ama beera geed Jacayl oo ay ugu xadhig-xidhaan qoyskay yagleeleen oo ubadkooda ubadkiisa iyo tafiirtoodu ku maamuusnaadaan deegaankuna uga aayo, oo ay kusoo kordhiyaan dhirrayn, hadheyn iyo bacaad-celin ama carro-qabad, sikastaba ha ahaatee Waxa aynu nahay Qoomiyad facweyn oo Soo jireen ah oo aan weligood Caado u lahayn in Cid ay xidhaan, saldhigyo maynu lahaan jirin, jeellal wax lagu xidhana warkood daa!, Waagii isticmaarku yimi ayaa laga hirgeliyey meel wax lagu xidho taas oo ahayd meel raga lagu xidho, intii ka horaysay isticmaarku waxa uu Dadka u qaadi jiray jasiiradaha Soqotara iyo Siyshelles ee kuyaala badweynta indiya, sikastaba ha ahaatee Reer Gebilay Waxaan leeyahay Dhaqan keena Duuga ah wax ka Caagan ayey ahayd in Cid la xidho se Qofka dhaqan xumo la yimaada waa la Dayrin jiray oo  dib looma sheegan jirrin qofkaa la Dayriyey dacayda labada dhagood ayaa loo jeexi jiray si Dadku u gartaan inuu dayro yahay!, yaalaa qofkaasi wuxuu noqon jiray Soomaali!, waxa se hada ugub inagu ah Jeel Haweeneedka ama Jeel Dumarka!, waana wax aad iyo aad looga xumaado in haweenkeenii qaaliga ahaa ee dhaqan keenu dhigaayey in aan lala jaafaajirqin ee lala caytamin ee lala murmin in hada iskadaa wax kaloo Iskusoo bax ayey ka qayb galeen lagu xidho oo waliba dumarkii tiirka xajka ku gudanaayey iyaga oo ‘Muxaram’ ama ma-gayaan koodu isaga oo garab socda gudanaayey wajibkaa Illaahay ayaa iminka si Diinta iyo Dhaqanka ka baxsan loo tarxiilayaa Haweenkii, dowladii Kacaanka shuuciga ahaa raga waxa uu doono ayuu ka yeeli jiray Dil iyo xadhig se Xaawalaydu Bir-magaydo Jeel ma-gayaan ayey u ahayd se maanta ta ka dhacaysa Jamhuuriyadii barakaysnayd waa afkala qaad!.

Hadal iyo dhamaan Gabilay waa goob lagu hirto se inta Jeel Xaawalaydu jiro magac xumo iyo Sumcad xumo ayeey u tahay Gabilay ee jeel Dumarkaa albaabada u laaba, oo ka dhiidhiya dhaqan xumadan Dumarkeena Jamhuuriyada barakaysan waa qaali oo Jeel ma gayaane, hadii kale reer Gabilayow Dumarkii idinku soo qays-qamaami jiray way idinka fiigi! Oo waxay odhan Gabilay nagadaaya waa Jeel Dumarka lagu xidhee!.

Illaahay baa Mahad leh

Midnimana Jamhuuriyada barakaysan.

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani ma aha fikirka ee aragtida akhristaha kor ku xusan