Wasiirka Arrimaha Dibadda
Oo la Kulmay Xildhibaanno ka tirsan Senateka Faransiiska

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud ayaa kulan laqaatay Xildhibaano ka tirsan aqalka sarre ee Faransiiska.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Iyo iskashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo Safiirka Somaliland u fadhiya ee waddanka faransiiska Amb Cabdiraxmaan Yaasiin ayaa xarunta aqalka sare ee waddanka Faransiiska kulan kula yeeshay saddex xildhibaan oo ka tirsan senetka oo kala ah Olivier Cadic – Sรฉnateur, Hugues Saury iyo Jean-baptiste Lemonye.