Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal ayaa saaka xafiiskiisa si diiran ugu soo dhaweeyey, Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Jabuuti, mudane Maxamed Warsame Diiriye iyo weftigii uu hoggaaminayey, kaas oo shalay booqasho shaqo kusoo gaadhay JSL.
Labada Wasiir ayaa ka sheekaystay sidii 
loo sii xoojin lahaa xidhiidhka walaalnimo, saaxiibtinimo, jaarnimo, ka dhaqan, iyo midka ganacsi ee ka dhexeeya labada wadan.
Kulanka waxa wasiirka ku weheliyey, Agaasimaha Guud ee WAD&IC ah ee JSL, mudane Mohamed Abdirahman, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee Wadanka Jabuuti, mudane Danjire Cabdilaahi Maxamed Daahir – [Cabdilaahi Cukuse].





