“Wasiirka ayaa cadayn buuxda keeni, goobta goorta cidda uu Xisbiga Waddani ku yidhi, ‘Madaxweynow adna kordhin qaado annagana noo kordhi’ “.
Qore Muniir Axmed Cigaal Lataliyaha dhanka Warbahinta ee Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani;
“Xisbiga Waddani Murashaxiisa, Guddoomiyihiisa iyo masuuliyiintisuba waxay dalbanayaan oo Alle ogyahay kaliya in sanduuqa doorashada Dastuuriga ah ee 13-November Madaxweynuhu qabto. Warka Wasiirka arrimaha guduhu yidhi Xisbiga Waddani meel uu ku yidhi iyo ciddu ku yidhi midna ma jirto, laba mid ayay ku cadaan. Amma Xisbiga Waddani ayaa Dadka khiyaamaynaaya oo way soo bixidoonta war jiraaba cakaara ayuu iman! Waxaanay ku soo bixodoonta kaliya doonista Waddani waa la noolanaya halgankiisa dimuquraadiyada wuu sii wadaya ma qarsoomi doonto inuu Xisbiga Waddani kordhin madaxweyne u dagaalamaayo iyo inuu ka dagaalamayo.
Ama Wasiirka ayaa cadayn buuxda keenin, goobta goorta cidda uu Xisbiga Waddani ku yidhi “Madaxweynow adna kordhin qaado annagana noo kordhi.”. Wanjalad wayn weeye: warkani war yar maaha mana aha war masuul si dhibyar isaga odhan karo waa war bulshada loo xaqiijin doono oo haddii Xisbiga Waddani sidaa qabo amma yidhi amma ka shaqaynaayo aniga oo ka tirsan ayaa noqon doona qofka ugu horreeya ee ummadda u sheegi doona in Waddani sidaa ku shaqeeyay, amma Xisbiga Waddani wuu is barixidoona Insha Allah oo runta ayuu Alle ku daahirin doona kadibna waxay noqon doonta in aan wanjal danbe oo shirqool siyaasadeed ah aan Xukuumadda laga rumaysan doonin dib danbe amma maalin danbe, labada mid ayay noqon doonta.”