Wasiirka Beeraha oo la Shiray Isku-duweyaasha Wasaaradda ee Gobollada Dalka

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Axmed Maxamed Habbane, ayaa Maanta Shir la yeeshay Isku-duweyaasha Wasaaradda ee Gobollada dalka.

Wasiir Habbane, ayaa marka koowaad Isku-duweyaasha mid mid uga dhegaystay War-bixino ku saabsan Waxqabadkooda, markaasi ka dibna wuxuu u soo jeediyey inay shaqadooda laba-laabaan, maadaama oo Wasaaraddu dedaal ugu jirto sidii dalku u gaadhi lahaa Wax soo-saarka Beeraha.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Prof. Aadan Cabdillaahi Sheekh Muuse oo sii waday Shirka Isku-duweyaasha, ayaa hadal uu u jeediyey ugu soo jeediyey inay dardar-geliyaan xil gudashadooda shaqo.

Agaasimaha guud, ayaa kula dardaarmay inay kor u qaadaan wacyigelinta Beeralayda dalka, si wax soo saarka Beeraha kor loogu qaado.

Waxa xusid mudan, in shirkan oo ay soo Agaasintay Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Beeruhu ay goob-joog ka ahaayeen Agaasime-waaxeedyada Wax soo-saarka Cabdirisaaq Gaboobe, agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Waraabka Mudane Farxaan iyo Masuuliyiin kale oo Wasaaradda ka mid ah, kuwaasi oo uu ujeeddada Shirku khusayso.