Wasiirka Daakhiliga oo Kormeeray Dhismaha Suuqa Waaheen
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Mudane Maxamed Kaahin Axmed ay weheliyaan Guddida Heer Qaran ee dib-u-dhiska iyo Gurmadka Suuqa Waaheen ayaa saaka kormeeray Suuqa Waaheen ay ka socoto shaqada dib-u-dhiska, taasoo ah shaqo ballaadhan oo maraya meel aad u fiican.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL iyo Guddida ayaa soo maray Suuqa Waaheen oo dhan, isaga oo Wasiirku la kulmay Ganacsatada Suuqa, sidoo kale Wasiirka ayaa la kulmay Ganacsato dhowaan ka cabasho ka muujiyey dhismayaal Cusub.