Wasiirka Daakhiliga oo la Kulmay Wefti ka Socday Baanka

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Maxamed Yusuuf Ismaaciil iyo duqa degmada Boorama ayaa kulan la qaatay wefti ka socdey Wasaaradda arrimaha Dibedda ee dalka Denmark.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay wada shaqaynta labada Dawladood, Mashaariicda horumarineed iyo amniga.