Wasiirka Diinta & Awqaafta oo la Kulmay Guddida dadka wanaaga u sheegta

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa Maanta Kullan la qaatay Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Somaliland.

Ugu Horeyn Waxa Kullankaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta waxaanu Sharaxaad ka bixiyey Ujeedka kullanka iyo Maraaxilkii kala suwanaa ee Guddida wanaag faristu soo-mareen ujeedooyinkii loo aas-aasay iyo Guulaha ay maanta gaadheen .

Intaa kadib waxa Kullankaas ka hadlay Gudoomiyaha Guddida Wanaag Farista, waxaanu mas’uuliyiinta Wasaaradda uga mahad-naqay kullanka isbarashada ah iyo sida wanaagsan ee ay Wasaaraddu ugu soo dhoweeyeen.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sharaxaad ka bixiyey qaab dhismeedka Guddida iyo weliba doorarka kala duwan ee ay ku leeyihiin Fidinta Diinta islaamka, La Dagaalanka Mukhaadaraadka iyo Dhisida Wacyiga Bulshada .

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo kulanka soo xidhay ayaa Guddida Wanaag farista uga mahad-naqay hawlaha shaqo ee ay Qaranka u hayaan iyo masuuliyada culus ee ka saaran wanaag farista iyo xumaan reebista isaga oo kula taliyey in ay Xoojiyaan wada shaqaynta dhexdooda si ay ugu guulaysataan hawl kasta oo ay qabanayaan.

“Mashaakilaadka Jira waxa kaliya ee aynu kaga bixi karnaa waa Ku Dhaqanka Kitaabka ALLE iyo Sunnaha Rasuulkeen suuban صلى الله عليه وسلم “ Ayuu Yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland .