Writen by Qaran News |

Wasiirka Duulista Hawadda Soomaaliya oo war ka soo saaray shirkaddaha diyaaradaha qaarkood

 Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa sheegay in diyaarad aan sharuudaha looga baahan yahay u dhameystirneyn ayna ka shaqo gali garin Garoonka Diyaaraha Adan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Maareeye ku-xigeenka Amniga iyo Maamulka Garoonka  Duuliye  Ceydaruus Axmed Kaahiye ayaa wasiirka uu sheegay in shaqada diyaaradaha ka soo dego oo kor u kacay, islamarkaan ay jiraan shirkado soo codsaday in ka Howlgalaan Gudaha dalka.

Wasiirka ayaa faray Shirkadaha diyaaraha iney ka shaqeeyaan in rakaabyada ay  heleen adeegyo dhammeystiran waxa kale uu sheegay in ganacsatada aan sharuudaha looga baahan yahay buuxinin aysan ka Howlgalin Karin Garoonka.

’’Laga bilaabo maanta ay tariiqdu tahay 12 07-2018 waxaa la farayaa in shirkadaha diyaaradaha ee ka Howlgalo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqisho looga baahan yahay sharuudaha in ay shaqeeyaan badqabka rakaabka cidii dhammeystiri weysana aysan ka shaqeyn Karin Garoonka Adan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ’’ ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Wasiir Oomaar ayaa sidoo kale sheegay in Wasaraadda oo kaashaneysa Dowladda ay diyaar ula tahay shaqalaaha in la sii tababaro dheeraad si ay u guttaan shaqada loo Emma day.