DIFAACIDDA CIRDIGA IYO SHAAFTA QOFKA MUSLIMKA AH WAA WAAJIB INA WADA SAARAN

Wasiirkan waxa ilaa shalay la wareejinayay hadal uu ku durayey Sheekh Cali Warsama Xasan Allaah ha u naxariistee . Sheekh Cali Allaah haw naxariisto waxa uu ahaa Caalim ummadda ka baxay oo ku sifaysnaa akhlaaq , waracnimo iyo dacwadda oo uu cimrigiisii ku qaatay isagoo ku shaqayn jirey mabada’iisa ah in dadka jahliga laga saaro Ilaahayna lagu xidho . Allaah waxaan uga baryayaa inuu miisaamka xasanaadkiisa ugu daro .
Wasiirkan arrinkiisa hadaan usoo noqdo waa laba arimood mid :
1. Inuusan Sheekha aqoon fiican u lahayn oo uu Sheekha iyo camalkii dacwadda ee uu wadayba aanu wax dog ah ka hayn oo uu erayada dadka waxma garatada ahi iska hadlaan uu u hadlay .
2, In cadaawad iyo nacayb uu cullimadda iyo dadka ehlu diinka ah uu u qabaa ay ku jirto , taasina ku xambaartay inuu sheekha aflagaadeeyo oo u dulmiyo .
Arintu hadii ay qodobka hore tahay waxaan leeyahay Sheekha maad aqoon ee Allaah u toobad keen raali galina ka bixi .
Hadiise ay qodobka dambe tahay waxaan leeyahay adiga iyo Sheekha Allaah haw naxariistee waxaad isla tegi doontaan Maxkamadda Allaaha caadilka ah , inta aan la gaadhina waxaa idiin ballan ah sidii ragii hore ee saalixiinta ahaa u odhan jireen maalinta janaasadiina , Allaah haw naxariistee Sheekhu dhimay hadii Janaazadiisa la keeno waddanka Ummadda ayaa u marag furi doonta . Adigana waxaa la sugi cidii kaa dambaysa sida aad u dhimato iyo sida laguu aaso ama cidda ku aasta .
Taladay waxaanse ku odhan lahaa labada qodoba waxaa kaaga furan toobad ee Allaah u toobad keen inta aad fursadda haysato .
 Saleh Musa