Wasiirka Qorshaynta oo Socdaal ku Tagay Boorama

Boorama(Qaran news)- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa maanta booqday xafiiska Wasaaraddaasi ee Gobalka Awdal.

Ujeeddada booqashada Wasiirka ayaa ahayd u kuur gelida xaalada guud ee xafiiska Wasaaraddaasi iyo shaqada ka socota.

Masuuliyiinta Gobalka oo uu ugu horeeyo Isku- duwaha Wasaaradda ee Gobalka Awdal Md Cabdilahi Ciid ibraahin ayaa Wasiirka la wadaagay Warbixin guud oo ku saabsan Waajibaadka iyo waxqabadka xafiiska sanadadii u dambeeyey iyo baahiyaha ka jira xafiiska.

Ugu dambayna Wasiir Axmed Diriye (Toorno) ayaa shaqaalaha uga mahad celiyey Wax-qabadka fiican ee ay soo bandhigeen, Waxaana uu Wasiirku ku bogaadiyey inay halkaa ka sii wadaan dadaalka iyo dardar-gelinta shaqada.

Dhanka kale Wasiirku waxaa uu balan qaaday inay maamul ahaan diyaar u yihiin inay sameeyaan maamul daadajin si loo xoojiyo loona tayeeyo xafiisyada gobalada Dalka.