Writen by Qaran News |

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland mudane Cabdirixiin Cismaan Cabdi(Shibiin) ayaa xalay soo gaadhay magaalada London ee xarunta dalka Ingriiska.

Wasiirka waxa madaarka heathrow airport- ku qaabishay wakiilka Somaliland ee UK- marwo Ayaan Cashuur, wasiirka oo la dajiyay mid ka mid ah Hotelada London- waxa uu la kulmi doonaa jaaliyada reer Somaliland, isaga oo magaalada London joogi doona ayaamo kooban, waxana lagu wadaa in wasiirku uu dhowr cisho hawlo shaqo ugu back dalka Jarmalka halkaasi oo uu uga sii gudbi doono Somaliland.