Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada JSL oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madax Ka Socotay Xafiiska Boqortooyada Ingiriiska ee Somaliland

Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland, kuwaas oo ay hoggaaminaysay Ms. Tatiana Fernandes, Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska UK ee Somaliland iyo Lataliyaha Horumarka (Development Counsellor & Deputy Head of Office).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga waxbarasho ee u dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada kobcinta tayada waxbarashada, tababarka macallimiinta, dhismaha manhajka casriga ah, iyo fursadaha barnaamijyada horumarineed ee mustaqbalka.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda Ingiriiska taageerada ay siiso waxbarashada Somaliland, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay joogteynta iyo ballaadhinta mashaariicda lagu horumarinayo waxbarashada aasaasiga ah iyo sare, gaar ahaan meelaha miyiga iyo kuwa nugul.

Dhankiisa, ku-xigeenka Xafiiska UK ee Somaliland Ms. Tatiana Fernandes ayaa muujisay sida ay dowladdeedu uga go’an tahay sii wadidda taageerada waxbarashada Somaliland, waxayna xustay in iskaashiga labada dhinac uu door weyn ka qaadan karo horumarinta fursadaha waxbarasho iyo kor u qaadidda aqoonta dhalinyarada.

Kulanka Wasiirka waxa ku weheliyay Wasiirudawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Mudane Maxamed Yuusuf Faaruuc, iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta sare ee wasaaradda.

Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL waxay mar kale xaqiijinaysaa inay ka go’an tahay kobcinta waxbarashada dalka iyo la shaqaynta bah-wadaagaha caalamiga ah si loo gaadho hadafyada horumarineed ee qaranka.