Writen by Qaran News |

Waa noolaha la qabatimay in uu si’ hagar la’aana ugu noolaado gudaha ama dibadda jidhka aadamaha. Waxaana looyaqaanaa afka qalaad “Normal flora”. Waxa uu si’ dhab ah ugu dhexnoolyahay dhammaan gudaha jidhka sida afka, sanka, dhegaha, maqaarka, mindhicirada, hunguriga cuntada iyo duburta. Hasayeeshee, meelaha dhig-mareenka, makaanka, kaadi-haysta, hawo-mareenka, kelyaha, beerka, xangullada, maskaxda, wadnaha iyo sambabadu waa meelo ka caaggan in noolahi raad dhigo. Noolahani jidhka aadama waxa uu gu jiraa habka cunto raadiska ee looyaqaanno “Commensals” oo macnaheedu yahay in noolahani uu faa’iido ku qabo jidhka aadmaha. Quutana dhammaan nafaqooyunka jidhku samaysto. Balse, noolahani waxa uu jidhka ka caawiyaan in uu la galo tartan dhammaan xanuun dhiyayaasha dibadda kaga soo derriya jidhka. Marka uu qofku quuto cunto, ama uu cabbo biyo amase uu hawo aan nadiif ahayn nuugo waxaa shaki la’aana in ay ku qasanyihiin xanuun dhaliyayaal jidhka ku keeni kara xanuun. Noolahan normal flora waxa uu tartan ba’an oo xagga cuntada ah la galaa dhammaan xanuun dhaliyayaasha. Sidoo kale, noolahani waxa uu qayb weyn kaqaataa in jidhku samaysto vitaminska B iyo K.

Noolayaasha sida; staphylococcus epidermis, propionibacterium acne, staphylococuss aures, streptococci, yeast, iyo pseudomonas aeroginosa, waxay ka midyihiin dhammaan noolaha deegaanka u leh kuna nool maqaarka aadamaha si’ joogto ah. Mana aha xanuun dhaliyayaal asala, balse, marka jidhka difaaciisu hoos u dhaco ama xanuun kale haleelaan ayey ka faa’iidaystaan oo xanuun ku keenaan maqaarka. Sidookale, qofka cunto faraha ku cuna isagoon iska nadiifin noolahan waxaa asal ah in ay gaadhaan wadnaha, sambabada iyo meelo kale oo muhiim ah oo ay keeneen xanuun. Halbeegga inta noole deris la nool ah ee maqaarkeena degaanka u leh waxaa lagu qiyaasaa 1000-10, 000 noole/cm laba jibbaaran. Oo macanaheedu tahay bedkii kasta oo ah 1cm laba jibbaaran oo maqaarka qaybta corneum stratum waxaa deggan kun ilaa tobankun oo noole. Noolaha sida propionibacterium acne iyo peptococuss waxay deganyihiin daloolada hoose ee tima layda halkaas oo ay quud ahaan u isticmaalaan duxda jidhka. Yeast(candida Albicans) sidoo kale waxa uu ku noolyahay maqaarka. Waxa uu bartiisaa ka haajira oo u gudaha ugalaa jidhka marka qofka ay wax saraan. Aakhirkana isaga oo xanuun ku keena qofkaas haddaanu iska daaweyn.

Tixraac:
Warren livenson
Dr: microbiology and immunology
Calivornia university.

Turjamadii:
Sadam Osman Kaabash
Biomedical scientist.
Hargeisa, Somaliland
Degmada: Mohamed Mooge