Writen by Qaran News |

Wax Ka Baro Wasiirka Ugu Saameynta Yar Gollaha Wasiiradda Somaliland? Qalinkii: Nuur Yoonis Xagar

Waxaan ugu hor iftiimanayaa Wasiirka ugu kalsoonida daran xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Wasiirkaas oo ah Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyidda Somaliland Ahmed Moumin Seed oo ah shaqsi siyaasadda kaga soo boodey meel dhexe  isaga oo u lahayn khibrad balaadhan. Markiisa hore wuxuu ahaa wastaad ka shaqeeya dhiska guryaha siduu u watey shaqadii wastaadnimadda ayuu mar kale siyaasadda Somaliland dibadda uu ka soo qabsadey. Waxaa uu ka soo shaqeeyey xusbigii Udub oo uu ahaa basaas warka uga soo ururiya Beelweynta uu ka dhashey ee Habar Cafaan oo dagta saddexda gobol ee galbeedka Somaliland. Ka dib waxay sidii ahaydba wax saameyn ah kumuu yeelin Gobolka Awdal. Isla mudo yar ka dib wuxuu ku biirey Xisbigga Ucid oo uu ka soo qabtey Gudoomiyaha Olollaha Goboladda galbeedka Somaliland isago oo aan qaban shaqo muuqata oo la taaban karo. Intaas ka dib wuxuu go’aansadey inuu ku soo biiro saaxadda siyaasadda Somaliland isaga oo ururkii Waddani keeney Gobolka Awdal isaga oo wakhtigaas ka ahaa Godoomiye ku xigeenka kowaad. Hadaba Ahmed Moumin Seed oo ku soo baxay in ay ururukii Waddani uu buuxiyey shuruudihii xisbinimo oo ka mid noqdey sadexdii xisbi qaran ee Somaliland ka dhisan ilaa haatan.

Ahmed Moumin Seed wuxuu ahaa ilaa mudadaas Gudoomiye Ku Xigeenka 1 aad ee Xisbiga Waddani isaga oo aan xaqiijin jirin in uu yahay musharaxa dhabta ee Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Wadddani waxay isa soo jiidataba ceebtiisii waa kii banaanka soo dhigey isaga oo lacag ku badashey hankisii siyaasadeed ee ay Beelweynta Habar Cafaan hadh iyo habeen kala shaqeyn nayeen isaga oo ka dhigey magacii iyo mansabkii siyaasadeed ee reer Hal bacaad lagu lisey. Wasiir Ahmed Moumin Seed wuxuu magacii iyo mustaqbalkii Beelweynta Habar Cafaan Ka doortey in uu iibsado kursigii ay dhiiga u soo daadiyeen ee Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbigii Waddani isaga oo qaatey lacag been cad oo aan gabasho lahayn u sheegey Beelweyntii uu ka dhashey.

Ahmed Moumin Seed wuxuu safar ku tagay Djibouti isaga oo ka dhuuntey mobile-kana ka xidhey dhamaan madaxdii iyo ganacsatadii Beelweynta Habar Cafaan ee Wadanka Djibouti isaga oo awalba marti u ahaan jirey iyaga mar kasta oo uu safar ku tago dalka Djibouti uu la xidhiidhi jirey isna xogwareysan jireen heerka ay mareyso siyaasada reer hadba xaaladada taagan. Waxa uu heshiis la soo galey wasiirkii hore ee Cadaaladda dalka Djibouti Siciid Barkhad oo ka iibsanayey kursiga musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Wadddani isaga oo u iibaniyey inaderkii Mohamaed Ali oo si buuxda ugala wareegey Musharaxnimadii Xisbiga Waddani, Ahmed Moumin Seed oo soo qaatey lacagtii xisbiga kuna iibsadey guriga haatan uu Magaaladda Hargeisa ka dagan yahay. Isaga oo iska Qarinaayey dhamaan indheer garadkii Beelweynta Habar Carfaan oo aad uga cadhootey qaladka iyo guuldaradda uu u soo hooyey Mudane Ahmed Moumin Seed Beeelweynta Habar Cafaan isaga oo adhaxda ka jabiyey Magacii iyo Mansabkii reer lahaa isaga oo ka raacey kana doorbidey dantiisa gaarka ah.

Waxaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka codsanaynaa in uu xilka ka qaado isaga oo ilaalinaya jiritaanka Beelweynta Habar Carfaan. Sababta oo ah waxaa iska Magacaabey Muuse Biixi isaga oo aan latashi kala sameyn Beelaha Habar Carfaan Ahmed Moumin Seed oo aan ognahay in uuna kala saarin Karin laba qof oo is heysta, marka uu Magaaladda Borama imaadaana wuu is qariyaa isaga oo ay u muuqato in aanu kalsooni ka haysan beelaha uu ka dhashey isaga oo aan waji iyo wanaag uu reerka gashadey aaney jirin oo ah Jabiye. Magaca looga yaqaano beesha dhexdeedu waa (Ahmed Jabiye).

Isaga oo masiirkii xisbiga iyo kisii shakhsi sidaas ku soo baabiiyey ayuu manta waxa uu u soo xidhxidhey in uu Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Mudane Muuse Biixi Cabdi uu isku diro sidii cadaada u ahayd hadhowna laba garab loo kalal jabo ileyn isagu dilaalnimada ayuu ku xooleystey oo uu markasta faaiido ka dayaa.

Wabillahi Towfiq

La Soco Qeybaha Dambe ee Maqaalkan……

Qalinkii: Abdirashid Yoonis Xagar