Wax ka ogow ciyaartoyda Faransiiska ugu waaweyn ee ka soo jeeda Qoysas Qaxooti ku yimi..

.

Xulka qaranka ee Faransiiska ayaa marka kale iska xaadiriyay ciyaarta kama dambeysta ee Koobka Addduunka, waxay berri la dheelayaan kooxda Argentina ee uu horkaco kabtan Lionel Messi.

Waa markii afaraad ay Faraniiska u gudbaan wareegga kam dambeysta toddobadii koob adduun ee ugu dambeysay-ma jiro xul kale oo gaaray heerkan ay gaareen Faransiiska.

Faransiiska waxay koobkii ugu horreeyay adduunka ku guuleysteen sanadkii 1998-waxay markaa ka badiyeen xulkii Brazil, ninka haatan tababaraha ka ah xulka oo xilliggaas Descamps, sidoo kale kaptan ahaa ayaa koobka kula guuleystay.

Sanadkii 2006-dii uu xulka Faransiiska kaptan ka ahaa  Zinedine Zidane, ayaa waxaa ciyaartiii kama dambeysta waxaa ka badiyay xulka Talyaaniga.

Faransiiska wuxuu ka guuleystay Croatia kadib ciyaar kama dambeysta koobkiii adduunka sanadkii 2018-kii.

Waa in aad is waydiisaa sida koox aan waligood ku guulaysan koobka adduunka ka hor 1998 ay ugu suurta gashay in ay u soo baxaan afar fiinaal oo koobka aduunka ah oo ay ku guulaysteen laba koob adduun muddo 24 sano ku dhow. Jawaabta su’aashan waxay ku jirtaa taariikhda xulka Faransiiska iyo isbaddalka ku yimid qarnigii 20aad.

Maxaa loo neceb yahay qaxootiga ku sugan Faransiiska?

.

Faransiisku run ahaantii waxa uu ahaa quwad gumaysi, boqortooyaddiisa waxay horraan gaartay 64 wadan oo kala duwan oo ku kala yaalla Afrika, Aasiya iyo Waqooyiga Ameerika.

Muddo ka dib, dalalkaasi waxay noqdeen kuwo madaxbannaan oo ay ka mid yihiin Morocco waxay xornimada ka qaadatay Faransiiska 1956, Cameroon 1960 iyo Algeria 1962.

Xilliggaas, qoysas badan oo kasoo jeeday Afrika iyo dalal kale ayaa u hayaamay dhinaca Faransiiska si ay shaqo u helaan ama waxay ku tageen Faransiiska qaab addoonsi ah.

Gaar ahaan Afrika kubbadda cagta waxay aheyd mid caan ah, waxaana lagu tirin jiray ciyaaraha ay dheelaan dadka saboolka ah ama ka tirsan dabaqadda bulshada ee shaqeysa.

Muddo kadib, qaxootigii tagay Faransiiska waxay fursado kala duwan ka heleen naadiyada kubadda cagta.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiyada midigta-fog ee Faransiiska ayaa had iyo jeer lahaa aragtiyo adag oo ku ka dhan ahaa qaxootiga, La Pen, oo ah hoggaamiyihii muddada dheer ee xisbiga Front National Front ee Faransiiska, uu ugu yeeray xulka Faransiiska ‘mid macmal ah’ 1990-meeyadii sababtoo ah xulka waxaa kasoo muuqday tiro yar oo ciyaartooy ahaa oo caddaan ahaa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xulka Faransiiska aysan awood u laheyn inay dalka ku matalaan ciyaartoy aan xitaa aqoonin heesta calanka.

.

Ciyaartooyda Faransiiska ee kasoo jeeda qoysas qaxooti ahaa

Kylian Mbappé

Waa weeryahanka xulka Faransiiska, wuxuuna kamid yahay xiddigaha ugu wanaagsan adduunka, isagoo 19 jir ah wuxuu kamid ahaa ciyaartooydii Faransiiska u qaadday koobkii adduunka 2018-kii.

Waa nin wacdaro ka dhigay garoomada kubadda cagta gaar ahaan gool dhalinta iyo xawaaraha uu kubadda ku eryado, waxaana lala barbardhigaa Messi iyo Zidane.

Waxay qoyskiisa kasoo jeedaan dalka Algeria.

Ousmane Dembele

Ousmane Dembele wuxuu xulka qaranka Faransiiska uga dheelaa garab, wuxuuna wacdaro ka dhigay Koobkan adduunkan.

Dembele hooyadii waxay kasoo jeeddaa dalka Senegal halka aabbihii uu ka yimid Mali.

Halka waaliddiinta ciyaartoyda kala ah Benzema iyo Pogba ay kaga kala soo jeedaa dalalka Algeria iyo Guinea.

Aurélien Tchouaméni

Aurélien Tchouaméni oo ah daafac khadka dhexe uga dheela kooxda Real Madrid ee ka dhisan Spain iyo xulka qaranka Faransiiska, waxay qoyskiisa kasoo jeedaan dalka Cameroon.

Marcus Thuram

Marcus Taurum waa wiil uu dhalay Lillian Thuram, oo ahaa ciyaarta caan ah oo ka mid ahaa ciyaartooydii Faransiiska u qaaday Koobkii Adduunka 1998, Marcus Taurum wuxuu xulka qaranka Faransiiska uga ciyaaraa garabka bidix.