Wax ka ogow Cudurrada ku dhaca ragga marka ay kor u dhaafaan da’da 40 jir

.

Da’da afartamaadka waxaa lagu tilmaamaa xiligga dhexe ee nolosha qofka, waana da’ muhiim ah, xilliggan wuxuu qofka intaa horumarro ka gaaraa noloshiisa gaar ahaan tan qoyska, xirfadda iyo waxyaabo kale.

In si qoto dheer loo fahmo da’daas waxay ku timaaddaa faahfaahinta ku aaddan dheecaanka hormoonaadka maskaxda iyo unugyada shabakadda ah ee la xiriira xusuusta qofka, waxaa horseeda waayo aragnimo la xiriira fahanka arrintaas.

Da’da 40 jirka waxaa lagu tilmaamaa waqtiga dahabiga ah isla markaana waxaa laga ogaan karaa daalka ku yimaado maskaxda qofka, dad badan waxay dareemeen in garaadkooda uusan aheyn sidii hore.

Wuxuu qofka dareemayaa daalka iyo saameynta maskaxda, sababtoo ah waxaa jira isbeddel qarsoodi ah oo ku yimaada qaabka unugyada maskaxda iyo hormoonnaada, tani waxay sababtaa cudurro kala duwan oo ku dhaca habdhiska neerfayaasha. Daddaba waxaan halkan ku eegeynaa qaar kamid ah cudurradaas:

Shalalka

.

Shalalka ama istaroogga waa cudurka ku dhaca habdhiska neerfayaasha ugu caansan jirka banii’aadanka, Sida ku xusan, 92 boqolkiiba kiisaska shalalka ee adduunka waxay inta badan dadka ku dhacaan marka ay dhaafaan da’da 40.

Marka ay da’du korodho, dhacdooyinka cudurka shalalka ayaa sare u qaadma. Cudurka shalalka waa laba nooc. Nooca koowaad waxaa loo yaqaan ischemic stroke. Nooc kale waxaa keena dhiigbax ka dhasha dhaawac ku yimaada xididdada dhiigga qaada ee maskaxda.

Shalalka waa cudur inta badan la xiriira xididdada dhiigga. Istaroog wuxuu dhacaa marka xididdada dhiiggu xinjiroobaan, shalalka waxaa lagu ogaadaa qalabka CT Scan.

Waxyaabaha sababa shalalka waxaa ka mid ah, da’da qofka, dhiig karka, kolestaroolka sarreeya, isticmaalka khamriga, cunidda tubaakada iyo cabidda sigaarka, sidoo kale wuxuu ka dhashaa cudurka wadno xanuunka.

Astaamaha shalalka waxaa ka mid ah: in qofka uu wax akhrin waayo, ama aragga uu waayo, ama in qofka uu lumiyo dheellitirka socodka, madax xanuun daran iyo matag.

Asaasaqa

Waa cudur kale oo ku dhaca dadka marka ay gaaraan afartan jir kadib, asaasaqa waa cudur la xiriira neerfayaasha, marka neerfayaasha maskaxda ay saameeyaan, awooddooda ayaa hoos u dhacda oo asaasaqa ayaa qofka ku dhaca, asaasaqa ma ahan oo kaliya ah in qofka uu wax hilmaamo, wuxuu hoos u dhac ku yimaadaa shaqada maskaxda.

Qalabka MRI waxaa loo isticmaalaa in lagu ogaado asaasaqa, marka la ogaado, daawooyinka kor u qaada maskaxda ayaa la siiya qofka qabo cudurkan. Nasiib darro dawooyinkani ma aha kuwo aad waxtar u leh heerarka qaar ee cudurka.

Cudurrada ku dhaca neerfaha

Waa cudur daran oo sameeya qofka marka uu gaaro da’dan, wuxuu cudurka kusii kordhayaa dadka qaba macaanka gaar ahaan dadka aan cunin hilibka. Dadka bukaan socodka ah ee cudurkan ku dhacay ayaa isku arkay astaamo sida, qofka in uu dareemo in jirkiisa uu gubanayo ama kabuubyo.

Cudurradan waxaa lagaga hortagi karaa daawooyinka qaarkood sida kuwa lagu xakameeyo cudurrada macaanka, qofka in uu qaato cunto badan ama in uu cabo biyo badan.

Waxyaabo badan ayaa sababa cudurradan waxaa kamid ah, tayroodh-ka iyo xanuunnada dhiigga.

Madax xanuun

Waa madax xanuun aad u daran, qofka wuxuu xanuun ka dareemayaa agagaarka indhaha, qofka indhaha ayaa biyo ka imaanaya, indhihiisu gaduud ayay noqonayaan.

Xanuunkan waa mid qofka saameynaya dhowr maalmood ilaa dhowr toddobaad.

.

Suuxdin

Suuxdin ama qallal kuma xirna da’ da. Waxaa jira waxyaabo badan oo sababa cudurkan waana cillad ka dhalata wareegga maskaxda.

Cudurkan, oo guud ahaan dadka ku dhaca carruurnimada iyo xilligga qaan-gaarka, waa mid aad ugu yar da’da afartameeyada. Cudurkani wuxuu noqon mid la iska dhaxlo.

Sidoo kale, suuxdintu waxay ku dhici kartaa sababo badan oo ay ka mid yihiin caabuq ku dhaca maskaxda, istaroogga, dhaawac madaxa, dhiig-baxa ku yimaada xidiidada maskaxda.

Boqolkiiba 90 cudurka waa lagu xakameyn karaa daweyn sax ah.

Waxaa lagu ilaalin karaa caafimaadka maskaxda, jimicsi joogto ah, cunto iyo biyo badan, iyo hurdo ku filan in uu helo qofka. (Dr. Kedar Takalkar waa dhakhtar ku takhasusay cudurrada ku dhaca neerfayaasha, wuxuuna fadhigiisu yahay magaalada Nagbur ee dalka Hnidiya, sheekadan waxay ku saleysan tahay aragtida dhakhtarka gaar ahaan aqoontiisa caafimaad)