Ka dib guushii Argentina kaamirada waxaa lagu aaddiyay wajiga Messi.Laba jeer ayuu ka soo muuqday masraxa markii abaalmarinta la bixinayay. Marada madow ee uu xirnaa markii uu koobka qaadayay ayaa waxay dhalisay hadal hayan ballaaran.

Markii koowaad ee uu masraxa fuulayay waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta Kubadda Dahabka taas oo la siiyo ciyaayahanka ugu fiican tartanka.

Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo u dhashay dalka Qatar ayaa ka dib markii uu guddoonsiiyay biladda waxa uu guddoonsiiyay Messi khamiis madow. Dharkan ayaa dood ka dhaliyay baraha bulshada.

Aynu si sax ah u fahanno waxa uu lebiskani yahay iyo waxa loo yaqaan.

Maxay tahay marada madow ee loo yaqaan bisht?

Messi iyo ciyaartooyda kale oo dabbaal degaya

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Hassan Al Thawadi, oo ah xoghayaha guud ee guddiga qabanqaabada tartanka Qadar, ayaa BBC Sports u sheegay in uu yahay dhar xafladeed oo rasmi ah. Waxaa labiskaan loo siiyay ka qeyb qaadashada guusha ee Messi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Koobka Adduunka sanadkan waa dhankeenna waxa uuna isku xirayaa dalalka Carabta iyo dhaqanka Muslimka iyo caalamka. Dharkan la siiyay Messi ma aha oo kaliya astaanta Qadar laakiin sidoo kale waxay astaan ​​​​u tahay munaasabad Koobka Adduunka laga soo abaabulay goobtan.”

Dharka la siiyay Messi waxaa sidoo kale loo yaqaan Bisht. Waa lebbiska dhaqanka ee dalalka Carabta. Dharkan waxaa la xirtaa oo kaliya waqtiyo gaar ah.

Laakiin markii Messi la siiyay dharkaan oo uu xirtay ma uusan garaneynin sida loo xirto. Sheikh Tamim bin Hamad ayaa ka caawiyay Messi xirashada marada madow. Messi ayaa markaas u soo dhaqaaqay dhanka kooxda isagoo koobka wata, ka dibna waxa uu bilaabay inuu kor u qaado.

Dadka baraha bulshada isticmaala maxay ka yirahdeen marada Madow?

Jonny Ward oo u dhashay dalka Ireland oo wax ku qora baraha bulshada ayaa qoray in dharka madow ay qariyeen funaanadda caanka ah ee Messi ee lambar tobanka ah ee Argentina.

“Riyada Messi waxay ahayd inuu qaado koobka. Shawik Banerjee ayaa qoray inay hubaal tahay in dharka madow aysan ku jirin riyooyinkiisa.

Baluma ayaa isagana qoray in dharka madow uu dhacay Messi waqtigan.

Qof kale oo magaciisa lagu sheegay BDM ayaa qoray inuu doonayo sawirka Messi oo ku jira funaanadda Argentina oo aan lahayn shaadhka madow.

Adi Shah ayaa qoray ma jiraa qof tirtiri kara dharka madow?

Rob Wegner ayaa Twitter-ka ku soo qoray, “Messi waxa lagu qasbay in uu xirto maro madoow waqtigii ugu wacnaa ee xirfaddiisa ciyaareed. Hoggaamiyayaasha siyaasadda, madaxada dhaqanka waa in aan lagu martiqaadin xafladda abaalmarinta ee ciyaaraha ka dib.

Dadka qaar ayaa xitaa ku ammaanay Messi inuu oggolaaday inuu xirto marada bisht-ka. Waxaa jiray qoraallo badan oo dhanka Twitter-ka ah ayaa tibaaxayay in aan loogu talagalin in Messi inuu xirto bisht, laakiin qofna ma qorin arrinta goolhayaha Argentina Amy Martinez ee weerarka cad ahayd.

Qof kale baraha bulshada isticmaala oo lagu magacaabo Mohammad Muthir Ali ayaa qoray in Qatar ay Messi ku maamuustay Bisht-marada. Laakiin qaar ka mid ah saxafiyiinta reer galbeedka ayaa u arkayay dadaalkii ugu dambeeyay ee lagu wiiqayo Qadar.