Wax ka ogow Masaajidka mucjisada ee Japan

.

Masaajidka Kobe ee ku yaalla dalka Japan, dadka qaar waxay ku tilmaamaan masaajidkii mucjisada. Wuxuu hadda ka hor ka badbaaday masibooyin ka dhacay dalkaas.

Wuxuu ka badbaaday bambaanooyinkii ay diyaaradaha Mareykanka ku garaaceen magaalada Kobe xilliggii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka sanadkii 1945.

Waxaana xilliggaas masaajidka gabbaad ka dhigtay dad badan xilli bambaanoyinkii ay burubiyeen magaalooyin ku yaalla Japan.

Dadka qaar waxay masaajidkan ku tilmaamaan masaajidkii ugu horreeyay ee laga dhiso Japan.

Sanadkii 1928-dii markii Muslimiinta ay ku bateen magaalada dekedda leh ee Kobe ayaa waxay u baahdeen meel ay ku cibaadeystaan, waxay billaabeen inay lacago uruuriyaan si masaajid ay u dhistaan, Muslimiinta waxaa u badnaa kuwa kasoo jeeday Hindiya iyo Turkiga, waxay xilliggaas fasax ka heleen boqorkii ka arrimin jiray Japan.

Masjidkan wuxuu ka kooban yahay saddex dabaq, waxaana naqshadeeyay injineer u dhashay dalka Czech Republic oo lagu magacaabo  Jan Josef Svagr, muuqaalka masaajidka ah ayaa mid soo jiidasho leh, wuxuu leeyahay mixraab iyo minbar qurux badan.

 

Masaajidka Kobe waxaa si rasmi ah loo furay sanadkii 1935, waxaana salaadaha ku tukunayay Muslmiin badan oo ka soo jeeday gobolka Kansai.

Masaajidka wuxuu sidoo kale ka badbaaday dhulgariirkii ka dhacay Japan sanadkii 1995 kaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof.

Sidoo kale, wuxuu masaajidka ka badbaaday fatahaadihii dhimashada badan geystay ee saameeyay Kobe sanadkii 1938-dii, sidaas ayuu ugu baxaya magaca ‘masaajidkii mucjisada ahaa.

Masaajidkan ayaa ah mid caan ah, wuxuuna Muslimiinta deegaanka u yahay goob ay ku cibaadeystaan isla markaana ay ku qabsadaan xafladaha iyo aroosyada dadka Muslimiinta ah.

Dhismaha masaajidka waxaa sanadkii 1943 la wareegay ciidamadii badda ee Japan.

Masaajidkan ilaa iyo maantan waxaa ku tukadaa Muslimiin badan , wuxuu ku yaallaa deegaan ku caanbaxay dalxiisayaasha.