Wax ka ogow Ninka uu afkaartiisa ku shaqeeyo Madaxweyne Putin?

Alexander Dugin
Alexander Dugin

Tan iyo markii uu bilowday duullaanka Ruushka, waxaa wax badan laga darsay, lagana qoray hogaamiyaha dalkaas, Vladimir Putin, cidda la talisa iyo halka uu ka qaato afkaartiisa.

Alexander Dugin oo ah mufakir saameyn ku leh Ruushka ayaa la rumaysan yahay inuu fikradihiisa ku shaqeeyo Putin. Warbaahinta caalamka ayaa bilowday inay dib u eegaan waxa uu ninkaa aamisan yahay iyo falalka lala xiriirin karo ee uu ilaa haatan qaaday Putin.

Khubarada qaar ayaa waxa ay ku tilmaamaan inuu yahay “Maskaxda Putin.”

Qoraalladiisa ayaa waxa uu si weyn ugu ololeeyay in Ruushka uu la wareego gobolka Crimea, taasoo dhacday 2014. Dhowr sano ka hor waxa uu ku dooday in Ruushka uu ku qasban yahay inuu qabsado bariga Ukraine si ay u hirgasho arragtida Novorossiya (Ruushka cusub).

Dugin oo 1962 dhashay Moscow ayaa ahaa weriye, kadibna waxa uu u weecday siyaasadda waxyar uun ka gadaal markii uu dhacay nidaamkii shuuciga ahaa.

Sanadkii 1987 ayaa waxa uu ku biiray urur xagjir ahaa oo lagu magacaabi jiray Pamiat, waxaana uu sanado kadib kamid noqday golihiisa dhexe.

Siyaasadda ayuu si fiican ugu lug yeeshay wixii ka dambeeyay markii uu burburay Midowgii Soofiyeed sanadihii hore ee sagaashameeyadii.

Waxa uu xiriir dhaw la yeeshay hogaamiyihii xisbiga shuuciga Ruushka, Genadii Zyuganov.

Ciidamada Ruushka
Alexander Dugin ayaa sheegay in Ruushka uu muhiim u yahay gobolka Crimea

Afkaarta Dugin

Buugaagta uu qoray waxaa si weyn u xiiseeya ururada midigta fog ee Yurub iyo Maraykanka, gaar ahaan kuwa dhisnaa sodonkii sano ee la soo dhaafay.

Nina Kouprianova oo seygeedii hore Richard Spencer uu hogaamiye u ahaa urur cunsuri ah ayaa buugaagta Dugin ee af-Ruushka ku qoran u bedashay luuqada Ingiriis.

Buug uu cinwaan uga dhigay “The Foundations of Geopolitics: The Geopolitical Future of Russia,” ayaa Dugin waxa uu ku faahfaahiyay qaabka ay Moscow ku ballaarin karto awooddeeda.

Waxa uu ku taliyay in sirdoonka Ruushka ay ka faa’iideystaan kala qeybsanaanta isirka, diimaha iyo siyaasadda ee ka jirta Maraykanka. Britain, waa in Moscow ay xoogga saarto khilaafka kala dhexeeya Yurub, iyo xooggaga gooni u goosadka ah ee ka jira Scotland, Wales iyo Ireland. Halka Ruushka uu tamartiisa u adeegsan karo inuu soo dhaweysto dalalka Yurubta Galbeed. Dugin ayaa saadaaliyay in haddii Moscow ay intaa isla hesho ay gaashaan buurta NATO iskeed u burburi doonto.

Waxaa la rumaysan yahay in Putin uu qaatay talada Dugin, uuna aad ugu farxay muuqaalladii January 2021 ka soo baxay dhismaha baarlamaanka Maraykanka, kala qeybsanaantii ka dhalatay Brexit iyo ku tiirsanaanta Jarmalka ee gaaska Ruushka.

Dugin ayaa buuggiisaas ku sheegay in Ukraine ay khatar weyn ku tahay damaca mustaqbalka ee Ruushka, “haddii aan wax laga qabanna ay halis ku jirto himilada Eurasia.” Putin ayaa la rumaysan yahay inuu qaatay talada qoraaga oo ah in awood lagu maquuniyo Ukraine.

Dugin ayaa saadaaliyay in Yurub ay noqon doonto gobollo kala qeybsan oo kala taabacsan Ruushka iyo Jarmalka, iyadoo ay Moscow gacanta sare ku yeelan doonto tamarteeda dabiiciga ah awgeed. Boqortooyada Ruushka ayuu sheegay inay gaari doonto min “Dublin ilaa Vladisvostok.”

Dhinaca kale, waxa uu Dugin saadaaliyay in Ruushka uu mustaqbalka xulafo adag la samaysan doono Iran iyo Hindiya, taasoo ka dhigi doonta mid awood xooggan ku leh Bariga Dhexe iyo Aasiya.