Aniga oo ah Maxamed Cismaan Jaamac waxa aan halkan ka cadaynayaa in aan ahay musharax u taagan golaha wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa oo ah goobtii aan ab iyo isirba ka soo jeedo.

Aniga oo haysta shahaado xaga sharciyada ah oo heer jaamacadeed ah sidoo kale haysta sadex shahaaddo oo kale oo arimaha bulshada ah iyo shahadad kale oo ah arimaha saxaafada.

Waxa aan leeyahay 25 sanadood oo xirfad shaqo ah kana soo shaqeeyay arimaha bulshada iyo saxaafddaba, waxa aan halkan uga sheegayaa dadka i taageersan iyo ka aan i taageersanynba in aan ahay shaqsiga ku haboon in uu idinku matali karo ka mid noqoshada golaha Wakiillada ee Somaliland.

Waxa aan ku kalsoonahay golaha Maxamed Ismaciil ee kala saari doona musharaxiinta.