Waxa aan is waydiiyaa, magaalooyinku ma waxa ay u baahan yihiin aqallo qurux badn oo la yidhaahdo madaxtooyo iyada oo madaxtooyada fadhigeedu yahay Hargeysa? Maxaa laga dhex qabanayaa? Shaqada u wayn ee uu aqalkaasi qabtaa waa in marka madaxwaynuhu safarka yahay, waa sanadkii dhawr jeer oo keliya ah e, uu ku nasto.
Hadaba, magaalooyinku ma waxa ay u baahan yihiin cusbitaallo, dugsiyo waxbarasho iyo marshuucyo shaqo abuur oo waxtar leh, mise guri dhawr qol ah oo si qurux badan inta loo dhisay laga buuxiyay kuraas iyo miisas heer sare ah iyo sariirta hurdo oo baaxad wayn? Waxa laga yaabaa in cusbitaalka magaaladaas ay ku yar yihiin sariirihii daka bukaanka ah la saari lahaa.
Dalkan dhibta haysta waxa ka mid ah hawlaha oo aan mudnaano kala lahayn (priorities). Matalan, haddii aad is barbar dhigtid gawaadhida lagu raaxaysto (V8) ee qaalliga ah ee madaxdu wadato iyo dhooliga (ambulance) ay dadka miyaga joogaa heli karaan, waxa kuu soo baxaysa in V8 ku badan yahay.
Mararka qaar ayaad arkaysaa xafiis dawladeed oo ku faanaya inuu xafiis qurux badan dhistay oo ay tahay wax qabad heer sare ah. Dadka uu adeeggayaa lacagtaas gidaarka la geliyay waxa uu ka jeclaan lahaa in loogu dhiso goob cafimaad oo ay ku umuli karaan hooyooyinku. Waxa aynu ka mid nahay dalalka umul aroorku xagga u sareeya kaga jira. Dadka qaar bay goobta caafimaad ee ugu dhowi boqol kiiloomitir iyo wax kabadan u jirtaa.
Sida ay madaxdu u dhaqanto – heer dawlad dhexe iyo dawlad hoose ba – waxa aad moodda inay ku nool yihiin dalka dunida ugu hodansan.
Garyaqaan Dafac .
May be an image of 1 person and text that says 'BABILEY NAT Maktabada'