Sarkaal u hadlay dhinaca siyaasadda ee Xuutiyiinta ayaa sheegay in inkasta oo ay sii kordheen duqeymaha ay Israa’iil ka geysanayso Yemen, haddana ay kooxdu sii wadi doonto weerarrada ay ku hayso Israa’iil, iyagoo garab taagan Falastiiniyiinta.
Mohammed al-Bukhaiti ayaa BBC u sheegay in Xuutiyiintu “ay sii wadi doonaan inay xoojiyaan weerarada ka dhanka ah bartilmaameedyada ciidamada Israel” ilaa laga joojinayo “xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta”.
Maalintii Khamiista, diyaaradaha dagaalka Israel ayaa weeraray garoonka caalamiga ah ee caasimadda Yemen ee Sanca iyo dekedaha iyo xarumaha korontada ee xeebta Badda Cas, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan afar qof.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in jawaabta laga bixinayo in ka badan hal sano oo gantaallo iyo weerarro diyaaradeed oo ay fuliyeen kooxda ay Iiraan taageerto ay hadda billaabatay.
Xuutiyiinta ayaa gantaal ku garaacay Israa’iil, gantaalkaas oo ay ciidamada Israa’iil sheegeen in la qabtay ka hor inta uusan dhulkaasi gaarin.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xiisadaha sii kordhaya.
Waxa uu sidoo kale sheegay in weerarrada lagu qaaday garoonka diyaaradaha iyo dekedaha ay si gaar ah u khuseeyeen, isagoo ka digay in weerarradu ay “khatar weyn ku yihiin hawlaha bani’aadanimo” ee dalka ay colaaduhu aafeeyeen.
Xuutiyiinta, oo maamula waqooyi-galbeed ee Yemen, ayaa bilaabay inay weeraraan maraakiibta Israel iyo kuwa caalamiga ah wax yar ka dib dagaalka Gaza ee u dhexeeya Israel iyo Xamaas kaas oo billowday bishii Oktoobar 2023.
Israa’iil ayaa afar jeer duqaymo xagga cirka ah ku qaaday Xuutiyiinta tan iyo bishii Luulyo, taasoo jawaab u ahayd 400 oo gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee laga soo riday Yemen.
Mareykanka iyo UK ayaa duqeymo cirka ah ka billaabay dalka Yemen, kaddib weerarro ay kooxdu ku qaadday dhowr doomood oo ganacsi oo marayay koonfurta badda cas iyo gacanka Cadmeed.
Mohammed al-Bukhaiti, oo xubin ka ah xafiiska siyaasadda ee Xuutiyiinta, ayaa u sheegay barnaamijka ‘Wararka Saacadda’ ee BBC-da Jimcihii in ay dagaal toos ah la galayaan Mareykanka, UK iyo Israa’iil, oo ay u arkaan “qalab” sannado badan dagaalka sokeeye ee Yemen sii waday.
Hadalkan ayaa u muuqda mid uu ula jeedo xulafada Sucuudigu hoggaaminayo ee farageliyay sannadkii 2015-kii ee taageeraya dawladda Yemen markii ay Xuutiyiintu qabsadeen magaalada Sanca.
“Waxaa naga go’an inaan sii wadno ololaha militari ee aan ku taageerayno Gaza, mana joojin doono weeraradayada ilaa laga soo afjaro xasuuqa iyo go’doominta Gaza, waxaan sii xoojin doonaa weerarada aan ku qaadeyno bartilmaameedyada ciidamada Israel” ayuu yiri.
Israa’iil ayaa beenisay eedeymaha ah in ciidamadeedu ay xasuuq u geystaan Falastiiniyiinta ku nool Gaza.
Iyadoo Xuutiyiintu ay arkeen xulafadooda Xamaas iyo Xisbullah oo burbur xooggan soo gaaray 14-kii bilood ee lasoo dhaafay dagaalka ay kula jiraan Israa’iil, waxay sheegeen inaysan u baahnayn taageerada Iran.
“Xitaa haddii aan kali nahay, waxaan haysanaa taageero ciidan, dhaqaale iyo dadweyne oo nagu filan si aan dagaalkan ula galno,” ayuu yiri.
Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa ka digay in weerarada Xuutiyiinta ay sii kordhin doonaan marka uu xafiiska la wareego bisha soo socota, isagoo yiri “dagaalku wuu ka sii dari doonaa”.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay fiidnimadii Khamiista in dalkiisu “weeraray bartilmaameedyada ururka argagixisada ah ee Xuutiyiinta” waxa uu ugu yeeray “dagaal madax-furasho ah.”
Afhayeenad u hadashay Qaramada Midoobay Stephanie Tremblay ayaa sheegtay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu “aad uga walaacsan yahay suurtagalnimada in gobolka ay kusii fiddo colaadda, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay joojiyaan tallaabada militari oo ay muujiyaan xakameynta ugu badan.”
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymahaasi ay la beegsadeen “kaabeyaasha ciidamada” ee garoonka caalamiga ah ee Sanca, xarumaha korontada ee Heziaz iyo Ras Qanatib, iyo dekedaha badda cas ee Xudeydah, Saliif iyo Raas Qanatib.
Afhayeen u hadlay ciidamada Xuuthiyiinta ayaa sheegay in duqeymaha cirka ay la beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen dad rayid ah, ayna sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
Si kastaba ha ahaatee, Yahya al-Sayyani, oo ah wasiirka gaadiidka dowladda Yemen ee Xuutiyiinta ay maamulaan, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Jimcihii ku sheegay dhimashada afar qof.
Waxa ay intaa ku dareen in qeybo kala duwan oo ka mid ah Garoonka Sanca ay waxyeelo ka soo gaartay weerarka, waxayna ku eedeeyeen Israel inay ku xad gudubtay sharciga caalamiga ah iyo xeerarka duulimaadyada.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Dr. Tedros Adhanom ayaa ku dhowaa in uu raaco diyaarad ay leedahay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka Bini’aadantinimada (UNHAS), markii ay duqeynta Israel dhacday.
Dr. Tedros ayaa sheegay in mid ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay uu dhaawac halis ah ka soo gaaray weerarka, waxaana loo duuliyay dalka Urdun kadib markii qaliin lagu sameeyay jimcihii isbitaal ku yaala dalkaasi.
“Weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah iyo shaqaalaha bini’aadantinimada waa in ay joogsadaan meel walba,” ayuu Dr. Tedros ku yiri fariin uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.
Bbcsomali