Waxa caalamku isku hayaa in loo dhaadhaco badaha guntooda si loo soo saaro macdanta ku duugan oo looga faaiidaysto iyo in arintaas laga joogsado si aanay u waxyeelaynin deegaanka (biiadda-environment).
Sida la ogsoonyahay waxa jira daraasado iyo baadhitaanno lagu sameeyey goobo ku yaala badaha guntooda oo lagu ogaaday in macdano kala duduwani ku jiraan sida Lithium Nickel,Magnesium,Cobalt,kuwaasoo dhamaantood loo baahdo marka la samaynayo baytariyada gawaadhida,telefoonada gacanta,torbiinada dabaysha ka dhaliya tamarta iyo aalado kale oo badan oo dadku isticmaalo. Waxa kale oo qaaca hoose ee badaha qaarkood sida Badda Cas lagu sheegay inay ku jiraan maadooyin ay ka mid yihiin Dahabka iyo Nuxaastu iyadoo ay laba markab cilmi-baadhiseed oo la kala odhan jiray Discovery iyo Atlantis 2 ay baadhis kala dambaysay ku sameeyeen badhtamaha Badda Cas xiligii lixdamaadka qarnigi 20-aad si ay ugu kuur gaalaan waxa ku jira dhulka ay biyaha Badda Casi ku fadhiyaan.

Hadaba maxaa dhaliyey dareenkan cusub ee lagu damaaciyayo macdanta lagu sheegayo inay ku jirto badda gunteeda?
Shirkadaha iyo dawladaha arintan dabada ka riixayaa waxay ku doodayaan in macdanihii dhulka laga heli jiray ee laga samayn lahaa baytariyada dhaliya dabka lagu kaxeeyo baaburta iyo sido kale aaladaha dabka ka dhaliya qoraxda iyo dabaysha aanay dabooli karayn baahida wayn ee loo qabo sidaas darteedna ay daruuri tahay in badda hoosteeda laga raadiyo macdan ku filan hadii la doonayo in caalamku u guuro dhinaca isticmaalka tamarta cagaaran oo lagaga kaaftoomo shidaalka iyo kaarboonkiisa wasakheeya hawada iyo guudd ahaan deegaankaba.

Hasayeeshee doodani waa mid u cuntami la’ shakhsiyaad iyo hayado samofal oo badan.Waxa kale oo kasoo horjeeda dawlado waawayn sida Faransiiska iyo Jarmalka. Cidahaasi dhamaantood waxay ku doodayaan in macdan badda hoosteeda laga qodaa ay waxyeelo wayn oon laga soo waaqsan karin u gaysan doonto deegaanka badda hoosteeda iyo korkeedaba oo ay taasi khalkhal galin doonto isku dhelitirkii biiadda
badda hoosteeda ka jiray ee ay ku noolaayeen makhluuqaadka badan ee kala duwan kuwaasoo ay ka midyihiin qaar uu Kaluunka laftiisu cuno oo hadii la waayo aanu Kaluunba jirayn. Fariiqani waxa kale oo uu ku doodaya in macdanta badda hoosteeda laga soo saaro marka la gaadhsiinayo maraakiibta qaadaysa ee dusha taagan ay macdantaasi sumayn doonto biyaha ay sii dhex marayso.

Dhinaca kale wali ma jirto shuruuc iyo xeerar caalamiya oo dawladuhu isla ogolyihiin oo ku saabsan sida loo nidaaminayo qodista macdanta badda gunteeda iyo sida loo kala yeelanayo ama loogu kala baxayo hadii uu meesha yimaaddo muran iyo isku dhac dalalka dhexdooda ahi.