Waxa Golaha Guurtidu isku sidkeen laba muddo kordhinood,Tiii Madaxweynaha & Toodii……. “Somaliland Waa Dal muddo-kordhin lagu maamulo”

Guurtida waxa loo geeyey laba xeer oo isku sidka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada. Guddoomiyahoodu isagoon golaha u bandhigin ayuu soo ceshay. Waa laga qaban waayey. Sidaas ayaana ay ku timid xeerarkii kartoonka ku jirey ee daaradda yaallay. Sida Guddoomiyuhu u fahmayna ma ahayne, ee waxa ay ahayd sida dadweynaha reer Soomaalilaan u fahmeen: haybaddii dawladnimo oo bacadka iyo roobka daleedyaal looga dhigay!
Bedelkeeda, saaka waxa Golaha Guurtidu isku sidkeen laba muddo kordhinood: tii Madaxweynaha iyo toodii. Hortay ayaa la yidhi, “Soomaalilaan waa dal muddo-kordhin lagu maamulo!” Siday u muuqatana, waxa la inala rabaa in aan nidhaa “Ta Madaxweynahaa sahlane, 5toodu maxay ahayd?” Sidaa odhan mayno. Si kale ayeynu odhan. Odhaah baa ahayd, waxaas gooh magaalada ka dhacayaa, waa iga gad iyo kaa gadi maayo. Sidoo kale, “Wixii haybadda dawladnimo daleedyaalka looga dhigay, ma waxa ay ahayd kala gadashada muddo-kordhimaha?”
Hore ayaan u idhi haddaan Dastuurkan la beddelin, Soomaalilaan baaxadsoorahan sida ay ku dhaaftaa waa si adag. Hadda ayeyna sii muuqataa. Bal horta muddo-xileed dhan mala kordhiyaa hal mar? Oo weliba xafiiskaaga ma u kordhisaa?
Ugu dambayn, 13 Diisanbar, Golaha Wakiiladu wuxuu noqonayaa ka qudha ee heer Qaran ah ee kalsooni dadweyne ku jooga. Taasina waxay ku waajibinaysaa in uu aqoonsado una dhaqmo si u qalanta baaxadda xilkaa kusoo rogmaday. Wixii intaa kasoo hadhaa, waa bar-kuma-taal!