Waxaan Usheegayaa Saaxibadeyda Xanaaqsan Isku Heli maysaan Inaad Shaqadii laidin dhaariyey iyo Waajibkiina shaqo ee qaranka aad gudan lahaydeen inaad kaga Mashquusheen Inaad Wasaaradaha iyo Xurmaha Dawlada maalin kasta Hortaagnaatan oo aad Mashaariic Raadis kujirtaan iyo inaad danihiina gaarka ah ku mashquusheen .Qaar kalena ay Busy ku yihiin Raacista iyo Daba Gucleynta Madaxwayna isla markaana fadhigii golaha aad ka maqnaatan, Iyo Marka Xildhibaanada Shaqadooda Daacada uah ee sida maalin laha ah golaha usoo xaadira ay waajibaadkooda shaqo Gutaan Inaad Emotions kiina Control usameen kari waydaan.”
Xildh Xildhibaan Ahmedkhaliif Jama Salah.
“LUDU Vs CHESS
Sideedaba Siyaasadu Waa Game ama Ciyaar . Team walbana Qaab uu u Ciyaaro ayuu leeyahay , Political Game ka aad hada arkaysaan ee Golaha Wakiilada Ka Dhacday Waxaan Ku Masaali lahaa laba Ciyaarood oo kala ah Ciyaarta Laadhuuda iyo Ciyaarta Jesta Looyaqaano.
Qolada Isbaheysiga Mucaaridku Waxay Iyagu Always Ciyaaran Ciyaarta Looyaqaano Jesta . Dadka Ciyaarta Jesta ah yaqaana way garanayaane waa ciyaar siyaasadeed oo god kasta iyo shax kasta oo aad guureyso waa mid kudhisan qorshe (Strategic Plan) Mana ciyaari kartid qorshe iyo khidad la,aan , Hadii kale si fudud baa lagaaga badinayaaa, Waana Ciyaar Ubaahan Maskax iyo Deganaan iyo Dulqaad.
Ninka aan Ciyaartaas sida fiican aan aqoon badan ulahayn waxuu inta badan ku mashquula Leynta Askarta iyo Saraakisha Difaaca ugu jirta ee ilaalinaya Boqorada . laakin Ninka Xariifka ahi Waxuu muujiyaa dulqaad badan ,waxuuna Abuuraa Hal Fursad oo Qaali ah kadibna Jaanis Fiican markuu Helo Ayuu Ciyaarta Gabigeedaba waji kale uyeelaa oo uu Halkaas ku badiyaa.
Markaas Ninka aan ciyaartaas Fahansaneyni Wuu Ku lumaa. oo wuu ambadaa.
Halka Qolada Xukuumada ee Muxaafidka ah oo garab ka heleysaa qaar kamid ah Ururada aan qaangaadhka ahayn ee ismooday iskuna dhererinaya Xisbiyada waa wayn. Group kaasi Waxay aad Uciyaaraan Ciyaarta Laadhuuda layiraahdo
Waana ciyaar fudud oo qof walba uu ciyaari karo maadama aanay ahayn ciyaar Strategic plan kudhisan .
Ciyaarta laadhuuda layiraahdo mar way kaa farxineysaa oo waada Six miidhan bay kusiineysaaa, oo markasta oo SIgis badan kusiiso waad badineysaa, Marna way kaa Nixineysaa oo Yeeg iyo Doo Waxaan ahayn kusiin mayso oo taayar kuu rogmi maayo.
Markaad laadhuuda Ciyaareyso inaad Sigisyo badan ama markasta nambar lix hesho kuma xidhna inaad caqli iyo karti badanba leedahay ee waa nasiib marba QULUXDA laadhuuda lagu ciyaarayo waxii kaaga soo baxa.aad nasiibsato
Sidaas Awgeed Xildhibaanada Saaxibaday ah Waxaan leeyahay in badan bay Ciyaartu idinka farxisay oo (No six ) sigis yo badan ay idin siisaye oo aad qosleyseene , ee Saaxiibayaal Idinkoon Cadhoon Iimaan sada Ciyaartu markay YEEG IYO DOO idin siiso
Siyaasadu Waa Game Markasta oo jaanis laiska helana Laisma Cafiyo Buna laisma amaahiyo, Marka jaanis lagaa helana waad ku qasban tahay inaad aqbasho
Waxaan Arkayay Qaar kamid ah oo Xildhibaanada aanu saxibka nahay oo ilaa shalay ilaa maanta Hadlayay oo Arrinta Golaha ka hadlayay oo lahaa Kooram la,aan baa wax la ansxiyay, iyagoo si cad isku indho tiraya oo arkayay qaar badan oo iyaga kamid ahna ay golaha fadhiyeen markii kooramku shalay noogu furmay 52 Xildhibaan.
Saaxibadeey xildhibaanada ah waxaan xasuusinayaa
QODOBKA 43AAD ee xeer hoosaadka golaha wakiiladu .Marka Mooshin golaha lakeeno waxaa lagu ansixiyaa Cod Aqlabiyad fudud oo 27 xildhiban ah iyo waxii kabadanba , Wax ka badalka iyo kaabista xeerkana waxaa ansixiyay 33 xildhibaan oo markaas golaha fadhiyey, sidaas ayuuna sharci kuyahay marka sharci laga hadlayo.Sidaas ayuuna Maanta Guuritda loogu gudbiyey oo hada Golihii Guurtida ayuu yaala.
Sidoo kale Sida uu qabo Qodobka 25aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada Firqadiisa 5aad waxuu leeyahay Hadii Xubnaha Jooga Golaha ee aan ka qayb qaadan codbixinta , Ama iyadoo codbixinta Gacan taag ah lagalayo hadii xildhibaanku dibada ubaxo waxaa loo xisaabinayaa sida codadka xubnaha aamusay oo kale. Waana sababta loo yidhi waxaa ka aamusay 19 xildhibaan .
Waxaan Usheegayaa Saaxibadeyda Xanaaqsan Isku Heli maysaan Inaad Shaqadii laidin dhaariyey iyo Waajibkiina shaqo ee qaranka aad gudan lahaydeen inaad kaga Mashquusheen Inaad Wasaaradaha iyo Xurmaha Dawlada maalin kasta Hortaagnaatan oo aad Mashaariic Raadis kujirtaan iyo inaad danihiina gaarka ah ku mashquusheen .Qaar kalena ay Busy ku yihiin Raacista iyo Daba Gucleynta Madaxwayna isla markaana fadhigii golaha aad ka maqnaatan, Iyo Marka Xildhibaanada Shaqadooda Daacada uah ee sida maalin laha ah golaha usoo xaadira ay waajibaadkooda shaqo Gutaan Inaad Emotions kiina Control usameen kari waydaan oo aad cadhootaan ilaa heer aad Gole Kooram 52 Xildhibaan kufurmay aad tidhaahdaan kooramku muu buuxin markii xeerka la, ansixinayay.
Siyaasadu Waa Game Markasta oo jaanis laiska helana Laisma Cafiyo Buna laisma amaahiyo, Marka jaanis lagaa helana waad ku qasban tahay inaad aqbasho oo jaanisyadu waad badan tihiine jaaniskiina kale iska suga isha allah ,
Waxaan kusoo Gabagabeynayaa hadalkeyga Hadii ARdaygu ka Saaqido ama uu caadeysto inuu dibada uga baxo Class ka Marka Casharadu Socdaan ,Hadhowna Yidhaahdo Siduu iidhaafaa Caharkii Labixinayay ,Kitaab alla Kitaab ay ku taalana majirto inuu intuu soo noqdo Yidhaahdo Casharkii hala iigu celiyo. Sidaas awgeed saaxibaday waxaan leeyahay dib iskugu noqda kuna dedaala inaad fadhiga golaha si joogta ah usoo xaadirtaan, Hadii kale sidaas unbay maalinta Casharo mihiim ah ay golaha kasocdaan ay casharadu idiin dhaafi doonaan oo ay ardayda kalena ay uga faaideysan doontaa .
Ugu dambeyn Waxaan Halkan Idinku soo Gudbinayaa Liiska Xildhibaanada 52 ka ahaa ee markii Kooramku Goluhu Furmayay Hoolka Dhexdiisa Golaha Dhexdiisa Fadhiyay
Liiska Magacyada Xildhibaanada Golaha Fadhiyay ee kooraamku markuu furmayay kamid ahaaa 52 kii xildhibaan ee golaha fadhiyay isla markaana ahaa kuwii Ansixiyay labada xeeer ee Codka iyo Gacantaba utaagay ………………………………………………………………………………………………………
1. Xildh Axmed Jaamac Saalax Maxamed
2. 2Xildh Axmed Maxamed Hurre Ducaale (Barkhad)
3. Xildh Axmed Muuse Jaamac Diiriye
4. Xildh Axmed Yaasiin Maxamed Xasan
5. Xildh Axmed Yuusuf Nuur Guruuje
6. Axmed Cabdi Ducaale (Walhad
7. XIldh Bakhad Jaamac Xirsi Batuun
8. Xildh Cabdiixakiim Hugur Cabdi Guuleed
9. Xildh Cabdikariim Aadan Cali Dubad
10. Xildh Cabdikariim Aadan Cumar Dhirane
11. Xildh Cabdikariim Miicaad Isaaq Xuseen
12. Xildh Cabdiqani Maxamed Aadan
13. Xildh Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamuud (Badheedha)
14. Xildh Cali Xaamuud Jibriil Faarax
15. Xildh Cumar Jaamac Faarax Axmed
16. Xildh Eng Axmed Cabdi Ibraahim (Timo-Jilic)
17. Xildh Faysal Yuusuf Jaamac Xaashi
18. Xildh Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac
19. Xildh Maxamed Jaamac Ismaaciil (Koodbuur)
20. Xildh Maxamed Khadar Daahir Mooge
21. Xildh Maxamuud Faarax Jaamac Maxamuud
22. Xildh Mubaarig Xuseen Maxamed (Xeel-Dheere)
23. Xildh Mubaarik Muuse Ismaaciil Xuseen
24. Xildh Mukhtaar Xasan Maydane Shirdoon
25. Xildh Nuuradiin Axmed Dayib Cabdiraxmaan
26. Qaasim Aadan Saleebaan Cali
27. Xildh Saleebaan Nuur Warsame Faarax (Food)
28. Xildh Siciid Jaamac Xasan Maxamed
29. Xildh Siciid Maxamed Ismaaciil Diiriye (Sokeeye)
30. Xildh Xasan Axmed Cilmi Geelle (Xasan Kayse)
31. Xildh Xasan Cumar Xasan Rooble (X.Ogaal)
32. Xildh Xuseen Aadan Cabdi Axmed
33. Xildh Xuseen Ismaaciil Jaamac Xirsi (Budul)
Waxan kale oo aan halkan Idinkula wadaagayaa iyagana
Liiska Xildhibaanada ee Kooramkii Golaha Lagu Furay Fadhiyay, Balse Markii Mooshinka Loo codeynayay Golaha Dibada Uga baxay ………………………………………………………………………………………………………….
Fiiro Gaar ah
19 kaas xildhibaan ee Hoos ku Xusan 7 kamid ah markii uu kooramkii goluhu furmay Waxay fadhiyeen Golaha laakin markii dambe waxay ubaxeen suuqa oo markii layidhi golihii baa mooshin lakeenay inta taleefano loo diray ayaay qaarkooda yimaaden .laakin markii mooshinka golaha lakeenay waxaa fadhiyay 12 kamid ah 19 ka xildhiban
1 Xildh Aadan Cismaan Xarbi Cawaale
2 Xildh Abiibakar Siciid Cali Gaboobe
3 Xildh Abokor Faarax Warsame Caga-Yare)
4 Xildh Gu/ku SIciid Mire Giire
5 Xildh Maxamed Xassan Siciid
6 Xildh Axmed Cabdi Muuse Cige (Inni)
7 Xildh Axmed Maxamed Maxamuud Xasan (Kaare)
8 Xildh Axmed Maxamuud Cabdillaahi Jaamac (Fanax)
9 Xildh Axmed Xasan Cali Yuuusf (Casoowe)
10 Xildh Cabdikariin Maxamed Muxumed
11 Xildh Maxamed Cismaan Maxamed (Limo)
12 Xildh Cabdillahi Muuse Cabdi Cawaale
13 Xildh Cali Jaamac Caraale ( Cali Qaran)
14 Xildhi Eng Xirsi Cabdilaahi Xirsi
15 Xildhi Jamaal Aadan Diiriye
16Xildh Maxamed Jaamac Raamboo
17 Xildh Yaxye cabdilaahi Amiin (Aarshe)
18 Xildh Sh ahmed Dayib ( Kucadeeye)
19 Xildh Jamaal Cali Aadan (Jaaha)
Iyagu Umada Huasheegeen Golaha uu Kooramkiisii 52 Xildhibaan Ku furmay, Halka Kooram La,aan Sharci Darro ah wax lagu ansixiyay.
Wabilaahi Tawfiiq.”
May be an image of 1 person, chess and text
Nazir Abdilahi ISmaaciil, Ibraahin Maxamed Cabdi and 83 others
19 Comments
15 Shares
Like

Comment
Share
 Xildhibaan Ahmed-khaliif Jama Salah.