Writen by Qaran News |

Xad-gudubyada Dalkeena Ka Jira ,Ee Aynu Aqbalay Waa Kii Dawladuhu isku Dili-jireen Muslim iyo Gaalba.

“ Ma Rumaysanaysaa Ragii inala Dhashay , ee “Abeesadda” ku Dilay Imaaraadka ,Kuwait iyo Qadar Lix-Sano ayay Xidhnayeen ,Shaqooyinkii ay Hayeena waa laga Caydhiyay ,qaarna waa la soo Mastaafuriyay ,hada waa Abeeso “.

Iyana kuwii Dheemanka iyo Luulka ahaa ayay dalkeena ka raranayaan Cid la hadlaysaana ma jirto.

Sanadadii u danbeeyay oo qudha Nooc ka mid ah Duurjoog-teena 1100 Hareemo Cad ayay deegaankeena ka Qaateen ,Kuwait ,Imaaraadka iyo Qadar ,Sida ay sheegtay Wasaaradda Deegaanka Somaliland ,Noocyada kale-na iska daa.

Waxaana Ugaadhaa laga Dhoofiyay Gudaha Somaliland sida Saaxil ,Saylac iyo Meelo kale ,hore iyo imikaba.

Sidaa markay tahay ,Anigoo ah Gudoomiyaha ilaalinta Duurjoogta waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi in uu Sedexdaa Dawladood ku Ashkateeyo 1100-Hareemo Cad ee ay Deegaankan iyo Umadan ka xadeen iyo Xoolihii kale ee ay dhaceen ,sidii loo soo celin-lahaa ,waayo waa Qaniimadii Noolayd ee Dalkani lahaa.

Xeerka Xatooyada Duurjoogta Caalamka u yaalana ha lagu qaado ,Hay’ad kasta oo Carbeed oo dalka joogtana warbixintaa ha loo Gudbiyo.

Raga deegaankan ka soo jeeda ee Xatooyadaa Carabta fududaynaya ee Dilaalinta ah-na waxaan leeyahay ,Dalka halaga xidho ,waa Cadowe.

Shicibkana waxaan leeyahay Qofkastaa Duurjoogta deegaankiisa ku dhaqan Cadowga ha ka difaacdo ,hana ogaado in ay Xoolihiisii tahay.

Waxaanan Cambaaraynayaa Dilaaliinta iyo Cidkastoo Dalkeena u Xadaysa Dawladahaa Carbeed iyo Tuugta ka socota oo arimaha noocan oo kale ah ku kacaysa.

Guntii iyo Gabogabadii waxaan halkan ka Bogaadinayaa Madaxweynaha Somaliland Go’aankii Mawaadinimada la’haa ee uu ku Mam-nuucay Ugaadhsiga Dalka ka jiray ,Bilihii yaraa ee uu joogay ,isaga iyo Wasiirada Deegaanku ,laakiin waxaan leeyahay sii xoojiya ,Ma Dha Dhawa.

Gudoomiyaha Madaxa-banaan Ee ilaalinta Duur-joogta.

Email: Mahadfaarax2009@hotmail.com.