Xildhibaan Gavin Willaimson oo ka tirsan dalka Ingiriiska isla markaana taageera Madaxbanaanida Somaliland ayaa shacab Somaliland ku hambalyeeyey 65-guurada ka soo wareegtay ka June 26, 1960-kii oo Somaliland xornimada ka qaadatay boqortooyada Ingiriiska. markii uu Ingiriisku xornimada siiyey Somaliland sannadkii 1960-kii, taasoo ah dhacdo taariikhi ah oo maanta si weyn uga muuqata Geeska Afrika. Waxa kale oo ay ina xasuusinaysaa xidhiidhka joogtada ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo UK, oo ah xidhiidh ku dhisan qiyam iyo taariikh wadaag. Tan iyo markii ay Somaliland si geesinimo leh ula soo noqotay gooni-isu-taagga 1991-kii, waxay ilaashatay nabadda, waxay qabatay doorashooyin xor ah, waxay dhistay hay’ado xooggan, kuwaas oo dhammaantood calaamad u ah maqaamkeeda inay tahay bulsho xasilloon, dimuqraadi ah oo u qalanta aqoonsi caalami ah. Waxaan si adag u taageersanahay xaqa ay Somaliland u leedahay aqoonsiga. Waxaan ugu baaqayaa dawladda UK inay ixtiraamto dhaxalkan inagoo si rasmi ah u aqoonsan qaranimada Somaliland, isla markaana la ixtiraamo xidhiidhka taariikhiga ah ee u dhexeeya ummaddeena, kana tarjumaysa qiyamka aynu wadaagno ee dimuqraadiyadda, sharciga.

Haatuf