Waxaan halkan kusoo jeedinayaa in aan ka keenaayo Mooshin kusaabsan wax ka badal iyo kaabis qoto dheer oo xal u noqon doono inaan dib u dhicin Is-qabqabsi sharci oo kusaabsan Arrimaha Doorashooyinka .”
Xildhibaan/ Guuleed Maxamed Warsame oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo dalka dibadiisa Safar ugu maqan ayaa Mooshin uu doonayo inuu horgeeyo Golaha wakiilada la wadaagay bulshada si ay wixii afkaar ah ugu kordhiyaan waxaanu u dhiganaa sidan qoraal uu Xildhibaanku soo saaray;
“Waxaan soo dhaweynayaa Baaqa ganacsatadu u soo jeediyeen golayaasha sharci dejinta si xal sharci loogu helo Khilaafka sharci ee ka taagan Arrimaha Doorashooyinka.
Waxaa dhab ah iney Sharciyadeenu wada qabyo yihiin una baahanyihiin intooda badan kaabis iyo wax kabadal maantana waxaa lagaadhay xiligii lagu sameyn lahaa dib uhabeyn balaadhan.
Waxaan halkan kusoo jeedinayaa in aan ka keenaayo Mooshin kusaabsan wax ka badal iyo kaabis qoto dheer oo xal u noqon doono inaan dib u dhicin Is-qabqabsi sharci oo kusaabsan Arrimaha Doorashooyinka sannado badan Insha Allaah.
Waxaa kamid ah Arrimaha uu xambaarsan yahay dib u habeenta sharciyadda doorashooyinka iyo qodobo dastuuri ahba, waana Kuwan:
● Waa in la hela murashax madax-bannaan;
● Waa in laga guuraa nidaamka Saddexda Xisbi oo loo badalaa hanaankeena Siyaasadeed iyo Doorashaba Xisbiyada Badan.
● Waa in Xal Waara loo helaa mushkilada kororsiimada muddo xileedka Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa.
● Waa in kor loo qaadaa Maqaamka booska Madaxweyne Kuxigeenka si Uu u noqdo Mansab leh awood muuqata.
● Waa in laga saaraa dhamaan xeerarkeena Doorasho Qodobadda Ku xidhaya Musharaxiinta deebaajiga, ( Lacageed), si loogu sinaado xaqa dastuuriga kii wax heysta iyo kaan waxba haysanba.
● Waxaan halkan ku cadeynayaa In muddo 2 bilood kaliya Ay ku dhamayn karaan labadda gole ee Sharci dajintu Haddii ay u wada shaqeeyaan si daacadi kujirto Iyo u daneenta shacabkii soo doortay si ay uga saaraan dhibaatooyinkan hadheeyey ee u Horseedi kara Burburka Qarankeena.
Wixii Rayi Dadweyna Ah Waad ila wadaagi Kartaan.”
May be an image of 4 people, beard, people sitting, suit, sunglasses and indoor