Markabka la wareejinaayo baraha bulshadda ee la sheegaayo in uu u rarnaa Somaliland oo uu hub u siday isla markaasna ka yimid dalka Taiwan, wararkaasi oo sheegaaya in ay
qabteen ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaanay waxba ka jirin warkaasi.

Markabka ay warbaahinta iyo baraha bulshadu sida qaldan ay u baahinayaan waxa laga leeyahay dalka Turkiga waxana uu ku sii jeeday magaaladda Muqdisho.

Mana jiraan wax saanad ciidan ah oo ku socday Somaliland oo laga qabsaday Somaliland sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow dhow xukuumadda Somaliland.