Way adag tahay In Laascaanood laga helo warbixinno lagu kalsoonaan karo, waxaan leeyahay colaadda ha la joojiyo, arrimahana wada hadal ha lagu dhameeyo” Safiirka Mareykanka u fadhiya Somalia
Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry André, ayaa ka hadlay xaaladda Laascaanood, isaga oo ku baaqay In colaadda taagan wada hadal lagu dhameeyo.
Larry Andre oo u warramayey Telefishanka Dalsan, waxa uu yidhi
“Laascaanood waxa adag in la helno warbixinno lagu kalsoonaan karo, waxaanu diirada xoog u saarnay oo wakhtiugu ugu badan ku bixiyey, aniga oo adeegsanaya dadka saamaynta ku leh. Saameeyeyaal kala duwan ayey leedahay xaaladdu dhanka Soomaalida iyo qaar kaleba. Colaad in la
soo afjaro cidna dani uguma jirto. Arrinta waa in wada hadal lagu dhameeyo. Waxaan wada hadallo toos ah la yeeshay Hoggaamiyeyaasha dhinacyada oo dhan. Waxa kale oo jirta in xubno kale oo
Beesha Caalamka ah iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diray farriintan oo kale oo ah in rabshada la joojiyo in Arrimaha lagu dhameeyo wada xaajood. Dhab ahaan cidda weerarka qaaday ee ku horreysay, cidda dembiyo gaar ah gashay oo ka dhan ah Rayidka, taasi waxa la eegi doonaa wakhti ku haboon. Haddaba waxa macno leh in colaadda la joojiyo, arrimahana wada hadal lagu dhameeyo. Farriinta aad dirayo waa joojiya colaadda, oo xaaladda wada hadal ku dhameeyo.”
May be an image of 1 person