Nin 17 sano Talyaaniga ugu xidhnaa Dembi uusan gelin oo maanta Muqdisho lagu dilay
Xaashi Cumar
Image caption: Xaashi Cumar

Xaashi Cumar Xasan oo ahaa nin Soomaali ah oo muddo 17 sano ah hadda ka hor ku xirnaa xabsi ku yaal Talyaaniga kaas oo lasoo daayay sanadkii 2016-kii ayaa maanta ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wararka waxay sheegayaan in Xaashi Cumar qarax loogu xiray gaarigiisa.

Xaashi Cumar oo haatan ka shaqeynayay arrimaha nabadda ayaa waxaa hadda ka hor lagu eedeeyay dil loo gaystay gabar wariye ahayd oo ka tirsanayd Telefishinka RAI ee dalka Talyaaniga iyo sawir qaade la socday sanadkii 1994.

Maxkamad ku taal magaalada Perugia ee wadanka Talyaaniga ayaa horey u xukuntay lacag gaaraysa saddex milyan oo doolar oo magadhw ah Xaashi Cumar Xasan oo ah nin Soomaali ah oo muddo 17 sano dalkaasi ugu xirnaa dambi aanu galin oo ah dil laba saxafi oo Talyaani ah loogu geystey magaalada Muqdishu sanadkii 1994-kii.

Xaashi Cumar ayaa bishii October ee sanadkii 2016-kii laga siidaayey xabsiga ka dib markii lagu waayey dambigii loo haystey, iyadoo la qiray in uu ahaa xabsi galin aan sharci ahayn.