Magaalada Wadaamagoo ayaa Waxa si balaadhan loogu soo dhaweeyey Weftigii ay hogaaminayeen Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Waddooyinka Magaalada ayaa Waxa iskugu soo baxay Dadweyne aad u tiro badan oo lulaya astaanta Xisbiga Waddani iyo Caleemo qoyan iyadoo ay tahay Goor habeenimo ah oo weftigu ku soo beegmay.
Madaxda Xisbiga Waddani ayaa la hadlay Dadweynihii sida balaadhan u soo dhaweeyey waxaana ay uga mahad celiyeen sida balaadhan ee ay u soo dhaweeyeen.
Dhankooda Dadweynaha wadaamagoo ayaa sheegay inay tageero buuxda u hayaan xisbiga waddani go’aan kasta oo ay ka qaataan muranka doorashooyinkana ay kula socdaan.