Writen by Qaran News |

 

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xil u magacaabay wiil uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Sodog u yahay,kaasi oo aan Xukuumaddii hore xil ka soo qaban balse siyaabo kale loo naasnuujin jiray.
Muuse Xasan Xaaji Yuusuf oo ah wiilka uu sodoga u yahay Madaxwenihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ka mid ahaa Masuuliyiintii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Maalintii Doraad ahayd Xilalka u magacaabay waxaanu masuulkan u magacaabay islamarkana uu Gudoomiye uga dhigay Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland,Hay’addani oo uu hore xilkeeda u yahay Masuul ay isla Madaxweynahaasi hore isku deegaan ka soo wada jeedaan oo muddo dheer xilkaasi hayay.
Muuse Xasan Xaaji Yuusuf kamuu dhex muuqan jiray Xukuumaddaasi hore ee uu xidadka la ahaa, oo Xil muuqda kamuu soo qaban balse waxa uu aasaasay isla wakhtigii uu Madaxtooyada la xididay oo ku beegnayd horraantii Muddo xileedka Madaxweyne Siilaanyo Hay’ad illaa hadda shaqaysa oo lagu magacaabo SHIFAAT oo arrimaha caafimaadka ka shaqaysa,taasi oo ay si gaar ah Madaxtooyaddii hore ugu naasnuujin jirtay, iyada oo lagu xaman jiray wakhtigaasi in isagoo shaadh dawladeed mashaariicda kaga qaadan jiray Hay’addaha Caalamiga ah ee Xafiisyadda ku leh Magaalada Hargeysa islamarkaana Somaliland ka caawiya Dhinaca caafimaadka.
Muuse Xasan Xaaji Yuusuf ayaa waxa ay Xukuumaddii hore si gaar ah ugu wareejisay Maamulista Cisbitaalka weyn ee ay Dawladdu ku lahayd Magaalada Ceerigaabo iyadoo ay illaa hadda Hay’addiisu maamusho waxa kale oo ay Xukuumaddaasi Hore ku wareejisay Cisbitaalka weyn ee Dawlada ee Magaalada Laascaanood ee Caasimada Gobolka Sool,isagoo sidoo kalena Qandaraas gaar ah ay Xukuumaddii hore ugu xidhay daawooyinka dawladu u baahato ee dalka Dibadiisa laga soo waarido. Shacabka Reer Ceerigaabo iyo reer Laascaanood ayaa si weyn uga qayliyay wakhtigaasi markii ay Xukuumaddii hore ku wareejisay Cisbitaaladaasi.