Wiil jaamacad ka qalin-jebiyay isagoo Xaabo dhabarka ku sita

.

Ardey u dhashay dalka Itoobiya ayaa ka qalin jebiyay jaamacad ku taalla dalkaas isagoo ay dhabarka ku sita xaabada cuntada lagu karsado.

Wiilkan ayaa sheegay in sababta uu arrintan u sameeyay ay tahay sidii uu ugu mahadceliyo hooyadii oo ah qof dadaal badan.

Ephrem Belete, oo ka qalin jebiyay jaamacadda Addis Ababa gaar ahaan kuliyadda culuumta Koombiyuutarka ayaa maalintii qalin jebinta hooyadii u labisay dharkii qalin jebinta ay aheyd in uu isaga xirto halka dharbarka uu saartay xaabo, sawirka wiilkan ayaa si weyn ugu baahay baraha bulshada Itoobiya.

“Sababta aan u sameeyay arrintani ayaa ah in amaano hooyadey, nolosheyda waxay lamid tahay midda ay ku nool yihiin malaayiin qof oo Itoobiyaan ah” ayuu yiri Ephrem Belete oo u warramayay BBC-da.

Dadweynaha Itoobiya ayaa si weyn usoo dhaweeyay muuqaalka laga duubay wiilkan.

Waaxda arrimaha amniga iyo ilaalinta xogta ee itoobiya ayaa Isniintii shaqo usoo bandhigtay wiilkan balse wuu ku gacan seyray isagoo sheegay in uu doonayo in uu qabto shaqo dhalinyarada khuseyso.

Duqa magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in shaqo iyo guri usoo siinayo wiilkan.