Wiil Reer jabuutiya oo ku xidhan Gabiley oo Eedo culculus Tunka loo saaray 

Aarre Saleebaan Cawleed, oo ah Wiil reer Jabbuuti oo Gabilay ku xidhan ayaa lagu soo eedeeyay in loo haysto in uu aflagaadeeyay madaxweynaha Jabbuuti isagoo ku sugan gudaha Somaliland.
Warqadda Eedda ayaa lagu sheegay in Aarre, madaxweynaha Jabbuuti ku tilmaamay “ Dilaa” iyo weliba in uu shayaadiinta la shaqaysto.
Sidoo kale xeer Ilaalinta ayaa Aarre, ku soo oogay eed ah in uu Aflagaadeeyay qoyska madaxweyne Geelle.