Writen by Qaran News |

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Alle weyne koreeye waxaan ka baryayaa inuu inoo barwaaqeeyo geyigeena abaartana uu inaga kor qaado Allow noo naxariiso adoomahaaga oo gafay ayaanu nehee. Aamiin Aamiin.

Sida ciwaankeena maqaalka ka muuqata waxaan ka hadli doonaa wiiqnaanta maamul ee jirta iyada oo aad u badan balse waxaynu isyar dultaagi dhawr arimood.
Marka laga hadlayo kelmeda (wiiqnaan) waxay isku xoorin noqonaysaa tabardaro ama awood darro sii socota isla tabardaradaasi waxay ka jirtaa laamaheena dawlada oo goldaloolo door ahi ka muuqdaan hanaanka war ka qabka arimaha gudaha ama waxkastoo jirraba.

Waxaan soo qaadan doonaa dhawr qodob oo aad looga gaabiyay, cidna qaarkood waxba ka odhan wayday qaarna farahaba laga qaaday halka aanu shaqaynayn sharcigii hagi lahaa ee xaqsoori lahaa bulshada , haddaba aan qodobayno soona qaadano midkeena koowaad.
1. Faro-Qaadka Abaarta Darran

Waxaa si toos ah u muuqata in xaalad degdeg ah lagu jirro guud ahaan gobolkan geeska afrikaba oo aad looga dayrinayo macaluusha jirta marka laeego warbixinihii qaramada midoobay , markaan taa laga yimaado yadoo aynu kamidnahay kuwa laga diyaarshay warbixinaa , haddana waxaa inaga ina haysa abaar aad u darran oo dad iyo duunyaba galaafatay bilowgii jawigu wuxuu u eekaa in loo kacay dhaqaalena la uruurshay balse dhaqaalihii dawladu ma maarayn waxna kamay qaban abaartii waa lasii dhamaadayba.

Halkii dalka oodhan gaar ahaan laamaha dawlada loo baahnaa in lagalo xaalad degdeg ah lana dhimo dhamaan qarashaadka dawlada sida safarada , shirarka , casuumadaha , xafladaha iyo iwm Waxaabay u eegyihiin in lagu jirro gu’ ama barwaaqo sida safarada iyo xafladuhu u socdaan taana dawlada ayaa ku fashilsan in badi wasiiradii ilaa madaxweynihii safar uun ku jirraan iyada oo xaalad adagi hayso dadkii soo doortay.

2. Amaanka Muwaadiniinta

Qodobkan wuxuu noqonayaa mid aan weli aad loogu baraarugin marka laga reebo ehelkii, asxaabtii iyo qoysaskii ay saamaysay mooyaane , waxaa guud ahaan dalka markasta laga sheegi jirray afduubayaal dad afduubta balse aan waxba laga qaban jirin ama been loo nisbayn jirray hadda wuu isbedelay jawigii waa afduubkii oo badheedh ah lana adeegsanayo camal shaydaan sida sixirka oo qofkii la taabsiinayo ama siyaabo kale.

Dhacdadan maaha hadda oo qudha mid bilow ah ee horre ayay ujirtay cidna waxba kamay qabanayn laakiinse hadda way xoogaysatay farahana way kasii baxaysaa.

Dawladu aadbay ugu ceebay santahay in ay sugi kari layihiin magaalooyin gebigooduba aan 30km2 ahayn ee kayar weliba iyada oo la arkayo gaadhiga dadka xadaya iyo guriga ay gelayaanba ayaanay laamaha amaanku waxba weli ka odhan. Iyaga oo marka qof muwaadina la xidhayana qori dabadii lagu garaaco.

Qodobkani wuxuu noqonayaa wiiqnaan maamul oo jirta waxna aan laga qaban weli qorshena aan laga hayn.

3. Fadeexada Dul Hoganaysa Heshiisyada

Dhawaan xukuumadu waxay geshay heshiisyo ay ku kiraysay dekeda berbera iyo madaarka oo saldhig milatari isna loo kireeyay, heshiisyadan ogolaanshahooda waxaa baarlamaanka lagu mariyay si sharci darro ah hase ahaatee haddana waxaa soo baxaya boqolaal ceebood oo kale weliba ay afkooda ka qirayaan xubno kamida wasiirada iyo qolyihii heshiiskaasi u dhuun daloolay.

Waa ceeb in heshiis dal galay lagu eedeeyo dalkalaa saxeexay wasiir dhan oo xukuumada ahina uu meel isla soo taago waxaas , tan qudhadeedo waa wiiqnaan maamul oo biilaa jiho ah lana odhan karro majirto isla haysasho isla jaan qaad leh.
4. Sicir bararka iyo jaangoynta doolarka

Muddo dhawayd waxay xukuumadu soo saartay goaano lagu xakamaynayo sicirbararka , doolarka iyo sarifka lacagta ee shilinka Somaliland dhamaan goaamadaasi waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay halkii lagu qorayna cidi kama qaadin , weli sicir bararku waa halkiisii oo maceeshadii ma degin ee waa samada sidoo kale sarifkii wuxuu marayaa halis oo halka dollar waxaa lagu sarifayaa 8000 sl sh waana dhacdo kor uqaadaysa doolarka halka lacagteeniina sagxada xaabayso.

Qodobkana aadbay ugu ceebaysantahay dawladu maadaama ay hagi kari wayday haanan cadna u jeexi kari wayday jaangoynta iyo xakamaynta sicir bararka.

Waxaan afartaa qodob ku soo koobayaa ino doora oo ah wiiqnaan jirta iyo fashilo cadaan ah oo dawladu ku ceebaysantahay , hadii ay intan iyo inkale oo badanba jiraan dawladiina muddo dhaaftahay markastana loo muddo kordhinaayo qorshe iyo lexejeclona aanay u ahayn bulshada iyo dalkaba waxaa lagu sugan yahay halis iyo khataro nafeed iyo maalba Ee Alle haynoo gargaaro intan iyo kuwa kalena Alle haynaga bixiyo dhibka oo dhan siguud Aamiin Aamiin.

………Wabilaahi Tawfiiq……

W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

Aqoonyahan Shahadoyin Kala Duwan
Abwaan Dareen Cabirre Ah
Qoraa aragtiyo cilmiyaysan iyo kuwo dadweynaha
Fogaal Araga fikirka xorta ah ee Madaxbanaan
Kafaalooda Arimaha bulshada
siyaasada Somalida Iyo Caalamka
Dhiiri Geliye Ma Hagrade Ah
Dhexdhexaad Xeer-beegti ah
Xil Guudna Sidda.

Email: Ismail1234921@gmail.com