Xaabsade ilaa Khaliif : Helida “Somaliland la wada leeyahay” oo hore loo il-duufay+Cawaaqib-xumada ka dhalan karta Xildhibaanada Muuse Biixi Beeshiisa ee ku shinbira waaqleynaya Gudoomiye Golaha Wakiilada S/land.

Shirka Berbera ka socda ee Xildhibaanada aanu isku deegaanka nahay, Wax-garadka kale iyo Madaxwaynaha anigoo ixtiraam iyo sharafba u haya, kuna kalsoon mar walba in aanay waddin wax dalka iyo dadka ka dhan ah, waxaan xasuusinayaa in talo mar hore la seegay oo ilaa maanta Somaliland ay u socon la’ dahay in aanay mar kale marnaba, si toos iyo si dadban, aanay idiin seegin.
Talabadaas berigaa hore (1997) oo ahayd in Gudoomiyihii Golaha Wakiilada ee Axmed Cabdi Xaabsade oo ay MW Maxamed X. Ibrahim Cigaal isku maan-dhaafeen siyaasada lagu qaaday guluf siyaasadeed oo Xilkii Gudoomiyenimo laga qaaday taas oo keentay in ay Beesha Harti oo uu hogaaminayo Garaad Cabdiqani ay ka dhaqaaqeen ka mid ahaanshihii Somaliland taas oo ilaa maanta ay ku maqan yihiin. Ka tegistii ay Somaliland ka tageen Beeshaasi lama mahaddin (ugu yaraan Somaliland ma mahadin), waxaa se lagu doodi karaa waxaa ka faaiiday dadkii ku noolaa goboladii dhexe ee Somaliya ku noolaa kadib markii Garaadka iyo waxgaradkii u hogaaminayay ay u guntadeen dhismaha iyo ka midha dhalinta Dawladda Puntland oo dhamaystirantay Sanad kadib markii ay ka huleeleen Somaliland ama 1998.
Haddaba haddii ay taladdiina, si uun, uga mid noqoto in Gudoomiyaha hadda ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif lagu qaado duulaan Xilka lagaga qaadayo waxaad ku suntanaan doontaan inaad mar kale sabab u noqoteen luminta fursadii u dambaysay ee dib loogu heli lahaa “Somaliland la wada leeyahay” ama inaad sixidii qaladkii hore aad ka noqoteen. Maalintii uu xilka la wareegay Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif wuxuu yidhi “..Waxaan noqon doonaa BIRIISH loo maro soo-dabaalidda iyo daawaynta tabashooyinka u dhexeeya deegaankayga iyo Somaliland”. Waxaan rejaynayaa in xafiiltan siyaasadeed oo gudaheena ahi aanu keenin in aad isku-daydaan in la gooyo BIRIISHKAA isaga ah taas oo ugu dambaynta noqon doonta nabbar aan daawo lahayn oo Somaliland u dhiman karto.
Waan hubaa in madaxwaynuhu dhacdadaa hore u soo-joogay oo cid walba uga xog-ogaalsan yahay cawaaqib xumadac ka dhalatay. Waxaan kalevoo aan hubaa in isagu aanu diyaar u ahayn inuu dhankaa u kaco waayo isaga ayaaba aaminsanaa kana shaqaynaynay in hogaaminta Golahaa laga shaqeeyo in dib uu ugu noqdo beesha Harti/Dhul-ba-hante oo saami awood qaybsi u lahayd balse ilaa Qaybe dabaddii ku maqnaa beesha dhexe. Sidaas oo ay tahay, waxaan ka cabsaday in xaga Xildhibaanada oo isugu jira rag dhalinyaro ah ama aan xog-ogaal u ahayn taariikhda iney ku riixaan MW jiho qaldan.
Hadda midna ogaada, maaha inaan u cabsanayo in Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif aanu haysan taageero ku filan. Xaasha! Is-bahaysiga Mucaaridku waa kii shalay saaray maantana ku filan inuu difaaco Gudoomiyaha. Waxaa waliba xaqiiq ah in aqlabiyada Xildhibaanada Muxaafidka ahi guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa ku abtirsada Ururka KAAH iyo bariga Burcaba aanay hawl ka dhan ah Gudoonka Golaha Wakiilada aanay qayb ka noqonayn. Sidaa markay tahay maxaa in isku-deegaan ah, oo waliba MW la deegaan ah, horena il-duufkaasi uga dhacay ku kelifaya iney mar kale hantaaqaan Qaran, waa Somaliland’e, ay dhismihiisa door wayn ku lahaayeen.
Intaa haddaan kaga hadho taladdaydii tolka ku socotay, aan kor u yara baxo, oo hal idhaahdo iyana Xildhibaanada Beesha dhexe. Tiradda Gudoomiyaha Golaha Guurtida lagaga qaadi karo Xilka Gudoomiyenimo waa 55 ama 2/3 xubnaha Golaha Guurtida. Gudoomiyaha Guurtidu wuxuu ka soo-jeeda beesha dhexe. Sidaa markay tahay siddee bay Xildhibaanada beesha dhexe ugu fikiri karaan in Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda oo isagu ah beelaha darafyadda iney keenaan mooshin ah ” in tiradda Xilka lagaga qaadayo Guddoonka Wakiiladda ay noqoto 42 ama 1/2 Xubnaha Golaha Wakiiladda” . Taasi maxay macnaheedu noqonaysaa? Ma waxa weeyi in Somaliland ay kala xuquuq tahay taasina ay ku xidhan tahay beesha aad tahay? Beelaha kale ee aan bessha dhexe ahayn iyo Guud ahaan “Somaliland la wada leeyahay” in la helo maxay ugu dhigan tahay?
Ugu dambayn, guud ahaan Xildhibaanada beesha dhexe iyo gaar ahaan kuwa beeshayda in aanay qaadin talaabo aanay kuna guulaysanayn (ilayn shalayba markaad Faratoon waddeen waxba lamadayn hadhine) isla markaana dhaawici karta wada-jirka iyo xaqiijinta “Somaliland la-wada leeyahay” oo dadkeedu isku xaquuq leeyihin sida distoorkka JSL dhigayo. Xisbiga Kulmiye oo aanan khayr badan ku ogayna waxaan leeyahay “Soo baydh” oo iskugu noqo talo dhaajta kala irdhaynta Somaliland dadkeeda.
Allaa Mahad leh,
Xamse Khayre