Xaalada Caafimaad ee Xamarji & Cukuse oo ku xidhan Jeelka Mandheera oo laga dayriyey

C/laahi Maxamed Daahir Cukuse oo ka mid ah 14 maxbuus ee ku xidhan mandheera xalay waa uu sakaraaday oo naqaska ayaa ku dhegay.
Mudadaasi uu naqasku hayay ee uu baaxaa degaayay na wax gurmad caafimaad ah ma helin.
Sidoo kale isna waxa aad u xanuusanaaya oo aad u xanuunaysaa lugta oo uu nabar ka soo gaadhay Gudoomiye Xamarji. Waxaanu kaarku dhaxalsiiyay in aanu habeen oo dhan hurdo fiican seexan.
Dhinaca kale iyadoo Maxkamaddu amartay 14 kaasi maxbuus ee mandheera ku xidhan ciddii dhaawac qabta in dhaawac muujin uu bilaysku siiyo illaa hadda maxaabiistii nabarada qabtay wax dhaawac muujin ah lama siinin.