Sida aynu ka warqabno dhaqaalaha dalka jamhuuriyada Somaliland waxa uu ku baxaa 35% nabadgelyada, dabcan awood badan baa la galiyaa sida ku cad miisaaniyada qaranka jamhuuriyada Somaliland sidoo kale waxa ay ka helaan ciidamada nabadgalyadu taakulo iyo tababaroba hay’adaha caalamiga ah iyo dawladaha jamhuuriyada Somaliland ay xidhiidhka wanaagsan leeyihiin.

Ciidamada police ka jamhuuriyada Somaliland waxa ay hoos tagaan wasaarada arimaha gudaha oo qaabilsan amniga dalka , doraad waxa ay ahayd sanadguuradii 29naad ee ciidamada police ka jamhuuriyada Somaliland waxaana halkaasi laga jeediyaa sanadwalba dambiyadii dalka ka dhacay sanadkii dhamaaday.

Haddaba qoraalkan aan idin la wadaagayo waxa aan is barbardhig ku sameeyey labadii warbixinood ee ugu dambeeyey 2021 iyo 2022 si aynu u ogaano amaanka dalka , xadiga dambiyada dhacay yareyntooda iyo sugida nabadgelyada dad iyo duunyoba waxa mudadaasi isbadelay.

Dhinaca kale warbixinta police ka waa in si ka horumarsan sida hada loo soo saaro la sameeyaa oo aynu helaa warbixin goboleysan , degmaysan oo ilaa heer tuulo fal dambiyeed waliba meesha uu ka dhacay ku cadahay arinkaasi waxa uu sahlayaa halka awooda la saarayo sanadka dambe iyo waliba in la ogaado sababta keentay dambiyada badan.

Dabcan hadii aynu eegno waxa muuqata in dambiyadu sii badanayaan sida ka muuqata warbixinta oo uu jiro korodh aan caqli gal aheyn markaa waxa aan halkan idin kula wadaagay hordhac kooban , inta kale waxa aad akhrisan doontaan mareegaha waxa laga akhriyo insha Allah.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil