Labadii sano ee u dambeeyay, hadal hayn badan ayaa ka jirtay warbaahinta iyo baraha bulshada oo ku saabsan ‘insulin resistance’ (caabbinta insulinta). Buugaag dhowr ah ayaa laga qoray mawduucan, halka barnaamijyada sida YouTube laga sameeyay kumannaan muuqaal oo ka hadlaya jimicsiga iyo cuntooyin gaar ah; kuwaas oo dadka sameeyay ay sheeganayaan in haddii la raaco cuntooyinkaas ama jimicsiyadaas, caabbinta insulinta la daweyn karo ama saamaynteeda la yareyn karo.

Mid ka mid ah sababaha uu ereygani caanka u yahay ayaa ah in caabbinta insulintu ay jirka bini’aadamka ku keeni karto dhibaatooyin caafimaad oo qallafsan, oo uu ka mid yahay xanuunka macaanka ee nooca 2-aad.

Warbixintan, waxaan isku dayi doonnaa inaan ogaanno waxa ay tahay ‘insulin resistance’, maxay yihiin astaamaheeda caanka ah, iyo ma lagu xakameyn karaa ilaa xad iyadoo la isticmaalayo soonka?

Waa maxay insulin?

Insulintu waa mid ka mid ah hormoonnada ugu muhiimsan jirka bini’aadamka. Xubin muhiim ah oo jirkeenna ku jirta waa ganaca, kaas oo shaqadiisa ugu weyni tahay inuu soo saaro insulinta uu jirkeennu u baahan yahay.

Shaqada ugu weyn ee insulintu waa inay nidaamiso heerka sonkorta dhiigga ee jirkeenna. Jirkeennu wuxuu u kaydiyaa insulinta sidii il tamar laga helo.

Haddii uusan ganacu soo saarin xaddiga saxda ah ee insulinta ee jirku u baahan yahay, ama uu soo saaro wax aad u yar, ama haddii jirku awoodi waayo inuu si habboon u isticmaalo insulinta uu ganacu soo saaray, waxaa dhalan kara dhibaatooyin caafimaad oo badan.

insulin

Xigashada Sawirka,Getty Images

Sida uu insuliinku ugu shaqeeyo jirkeenna:

  • Cunto kasta oo aan cunno, jirkeennu wuxuu u beddelaa gulukoos (glucose), gulukoostaas ayaana ah isha ugu muhiimsan ee tamarta jirkeenna.
  • Heerka xiga, gulukoostan waxay gashaa qulqulka dhiigga, waana marka uu ganacu soo daayo insuliinta uu jirku u baahan yahay.
  • Insuliintan waxay ka caawisaa gulukoosta ku jirta dhiigga inay gasho unugyada muruqa iyo beerka, si loogu isticmaalo tamar degdeg ah ama loo kaydiyo isticmaalka dambe.
  • Marka ay gulukoostu gasho unugyada jirka, heerkeeda dhiiggana uu hoos u dhaco, taasi waxay calaamad u tahay ganaca si uu u joojiyo soo deynta insuliin dheeraad ah.
  • Sawirka molecule-ka insuliinta: Insuliintu waa hormoon borotiin ah oo laga soo saaro ganaca, kaas oo nidaamiya shiidka ee kaarbohaydraytyada, borotiinnada, iyo dufanka. Waxayna tan ku samaysaa iyadoo dhiirigelinaysa in unugyada beerka, unugyada muruqa qalfoofka, iyo unugyada baruurtu ay gulukoosta ka nuugaan dhiigga.

Soonka Ramadan

Ramadan

Xigashada Sawirka,Getty Images

Bisha Ramadaan ayaa dhowaan si rasmi ah u bilaabatay, waxaana Muslimiin badan ay si joogto ah u soomaan inta lagu jiro bishan.