Xanuunka maskaxda qof 30 jirka ah ka dhigi kara 70 jir

Carolina Roatta
Carolina Roatta

Waqtiga is guraya ayaa qudhiisa ka muuqanaya jirkeenna marka gabowga iyo cirradu ay soo muuqdaan, murqaha ayaa debcaya, ilkuhuna waxaa ka lumaya caddaankii lagu yiqiin.

Waxa ku dhacaya maskaxdeenna, ayaa dhanka kale, caadiyan ah wax aan muuqan.

Balse ka warran haddii ay sida kale suurtogal tahay?

Weriye Carolina Roatta ayaa la daalaa dhaceysa cudur dhif ah oo saameeyay maskaxdeeda heer ay labo jibbaar da’deeda gabowdo, iyadoo jirkeeduna uu dhalinyar yahay.

Sheekadeeda ayay uga warrantay BBC-da.

Markii aan jirsaday 32, waxaan is moodayay boqoradda adduunka.

Waxay ahayd November 2012. Waxaan dhammeeyay buugga master-ka iskaabulana waan ahaa. Waxaan wax ka dhigayay jaamacadda waxaana helay shaqada weriyenimada oo ahayd riyadeyda.

Maalintii aan u baxay inaan soo saxiixo qandaraaska, waxaan imid aniga oo kalsooni isku qaba oo awoodi kara inaan muddo xakameeyo gacmahayga jareynayay.

Saxiixan wuxuu ahaa wixii ugu dambeeyay ee aan qori karay.

Baaritaanka

Waxaan bilaabay inaan aad u jareeyo. Markii hore gacmahayga ayay ku bilowdeen kaddibna madaxa iyo lugaha.

Waxaa bilaabay inaan beddelo caadooyinkeyga, sida nooca dharka iyo kabaha aan xiran jiray waxaana xitaa shaqaaleysiiyay kalkaaliso wax ii qorta.

Waxaan sidoo kale duubi jiray cod si aan u diwaan geliyo wax walba oo igu dhacayay.

Waan iska caabbiyay intii aan karayay, balse kaddib lix bilood xaaladdu waxay noqotay wax aan loo dulqaadan karin.

Dhowr ballamo caafimaad ayaan tagay kuwaas oo 15 daqiiqo socday. Wax caadi ah ayay ahayd. Hannaanka caafimaadka ee Colombia, waxaad ku qasban tahay inaad u tagto dhaqtar guud oo kuu diraya baaritaanno amaba kuu diraya dhaqtra gaar a.

Intii aan ku dhex jiray, waxaan arkay dhaqtar neerfaha ku takhasusay oo si khaldan ii baaray iguna sheegay buro wuxuuna ii diray daawada cudurkan. Daawadu way i dejisay, balse jareyskii igama tegin.

Kaddib markii aan la tashaday dhaqaatiir, kuwa cilmu nafsiga iyo dhaqaatiirta neerfaha, dhaqtar ayaa ku fekeray in la ii diro raajo maskaxda ah.

Hooyadey iyo aabbahay ayaa ii wehliyay raajada. Maalintii xigtay, annaga oo natiijada sugeyna, baaraha ayaa ii yeeray isagoo i weydiiyay inaan waxyaabaha kiimikada leh ka shaqeeyo marka aan shaqada joogo. Sawirradu waxay muujiyeen in maskaxdeydu ay wasakheysan tahay.

Qoyskeyga intiisa kale ayaa walaacay. Waxay iga caawiyeen inaan la talin gaar ah ka doonto dhaqtar sare oo neerfaha ah. Rakhiis ma aysan ahayn, balse markii ugu horreysay waxaan dareemay in qof uu fahmay wixii jiray.

Ballantu waxay qaadatay saddex saacadood, dhaqtarka ayaa igu sameeyay nooc walba oo baaritaan ah, aniga oo aad ugu daalay sida inaan orod soo galay oo kale.

Waxay iila mid ahayd sida inaan ku dhacay imtixaanka lagu galo iskuulka xannaanada carruurta.

Les mains de Carolina tremblent
Gacanta Carolina oo si xad ka bax ah u jareyneysa

Jareyska gacanta Carolina wuxuu noqday xad ka bax.

Waxaa mahadda leh ballantan iyo baaritaanno kale oo gaar ah, dhaqtarka neerfaha ayaa xaqiijiyay inuu igu dhacay xanuunka loo yaqaanno Wilson. Kani waa xanuun hiddo-raac ah oo loogu magac daray dhaqtarkii neerfaha ee baaray, Samuel Alexander Kinnear Wilson, cudurkaas oo jirkeyga ka hor istaagaya inuu qaato maaddada copper.

Copper? isla birta jaallaha ah ee ku dhex jirta fiilooyinka miyaa?

Haa, waa isla iyada.

Maaddada copper waxay naga caawisaa inaan helno neerfo iyo lafo caafimaad qaba, waxay sidoo kale ka qeyb qaadataa inuu jirkeenna soo saaro collagen iyo melanin. Jirka bani’aadamku sooma saaro, balse wuxuu ka helaa cuntooyin badan.

Misirta, looska, shukulaatada, afokaadhada, aargoosatada? liisku waa dheer yahay.

Jirka ayaa kala jejebiya cuntooyinkan, beerka ayaa qaata copper-ka uu u baahan yahay wuxuuna meesha ka saaraa inta uusan u baahneyn, waxayna caadi ahaan raacaan kaadida.

Dhibaatadu waa in dadka naga midka ah ee qaba xanuunka Wilson, intii uu beerku qaadan lahaa maaddadaas, wuu uruuriyaa ilaa heer uusan jirku qaadan karin. Beerka ayaa inta badan ay saameyntu gaartaa, waxaana ku xiga maskaxda, indhaha iyo kilyaha.

Balse xaalku waaba mid dhif ah. Inkastoo uu jirkeygu 32 sano uruurinayay maaddada copper, beerkeygu wuu caafimaad qabay. Maskaxdeyda, dhanka kale, labo jibbaar da’deyda ayay gabowday. Dhaqtarka neerfaha ayaa sheegay inay u muuqatay 70 jir.

Xog ku saabsan cudurka Wilson* :

  • Inta badan dadka waxaa xanuunka lagu arkaa marka a jiraan inta u dhaxeysa 5 iyo 35 jir, balse wuu saameyn karaa dadka ka yar ama ka weyn.
  • Cudurka ayaa lagu dhashaa, balse caalaamadihiisa ayaa soo ifbaxa marka Copper uu ku uruuro maskaxda, beerka amaba xubin kale.
  • Calaamadaha ayaa kala duwan waxayna ku xiran tahay qeybta jirka ka midka ah ee uu xanuunku saameeyay. Waxaa ka mid noqon kara: Daal, cunto xumo, ama xanuun caloosha ah – Maqaarka oo midab jaalle ah yeesha iyo isha oo xuub caddaan ah uu koro (cagaarshow) – Midabka indhaha oo is beddela – Dheecaan ka buuxsama lugaha iyo caloosha – Dhibaato dhanka hadalka ah ama dhaqdhaqaaq jir ahaaneed – Dhaqdhaqaaq aan la xakameyn karin amaba kawaabiyo murqaha ah.
  • Qofka inuu cudurka ku dhaco, waxaa horseedi kara inuu ka hiddo-raaco labadiisa waalid. Haddii aad keliya hiddo-side aan caadi ahayn ka dhaxasho hal waalid ma qabtid cudurka, balse waxaa laguu arkayaa inaad siddo oo carruurtaaduna ay unuggaas kaa dhaxli karaan.

Jirro inta nolosha ka dhiman ah

Carolina Roatta
Carolina Roatta

Hadda waa inaan mar walba maraa khashin-saar. Daaweynta ayaa ka kooban qaadashada daawo aan weligey cuni doono taas oo maaddada copper ka saareysa xubnaha uu ku uruuray, kaddibna ka saareysa oo marsiineysa dhiigga amaba kaadida.

Dhaqtarka ayaa sheegay inay waqti igu qaadaneyso inaan soo kabto, isagoo aan carrabaabin inay bilooyin amaba sanado tahay. Wuxuu igu waaniyay inaanan ka eegin baraha internet-ka si aan u walwalin wuxuuna ii sheegay in calaamadaha ay ka sii dari karaan biloowga daaweynta.

Waxaan ahaa haweeney ad adag waxaanse isku beddelay mid dhan walba nolosha qof kale ku tiirsan. Waxaan tan xaqiiqsaday durba markii la iga helay xanuunka, markii ay hooyadey bilowday inay ilkaha ii cadeyso sababtoo ah anigu ma sameysan karin. Waxaan xusuustaa indhahayga oo ay illin ka soo buuxsameen markaan afka kala qaadaba kaddibna si tartiib ah ayay iiga masixi jirtay.

Waxaan u heystay inay muddo gaaban tahay, oo aan sideydii ku soo laaban doono. Xaqiiqda ayaase ah in nolosheyda caadiga ah ay u muuqatay sida cunug weyn.